Ciidamada Booliska oo loo qaybiyey Gaadiid ku Gaashaaman Adeegga Isgaadhsiinta ee Gurmadka Deg-degga ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa maanta 20 baabuur oo noocoodu yahay Taxi ku wareejiyay Ciidamada Booliska Somaliland.

Gaadiidkan oo uu Wasiirku sheegay inuu lacagtooda jeebkiisa ka bixiyay, ayaa waxa ka guddoomay Taliyaha Ciidamadda Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Hadal kooban oo ka hor wareejinta Gaadiidkaasi uu jeediyay Wasiirka arrimaha Guduhu, waxa uu sheegay in gaadiidkaasi ay ugu talo galeen in ay dhex wareegaan xaafadaha ay kooban tahay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo  lagu rakibay lambarka gurmadka deg-degga ah, kana bilaabma 999 oo ay leeyihiin labada shirkadooda ee adeegyada Isgaadhsiinta ugu weyn dalka.

GAADIIDKA (1)“Waxa aanu ugu talo galnay gaadiidkan ciidamada gargaarka deg-degga ah in ay ugu gargaaraan dadweynaha reer Somaliland in ay kaga gam’aan ama kaga seexdaan, inay dawladuna ka war hayso ay dareemaan,” ayuu yidhi Wasiirka oo sharraxayey ujeeddada jaadiidkan.

“Gaadiidkani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee jiray, waxa uu leeyahay Numbar la yidhaahdo 999, kaas oo aan marnaba mashquul noqonaynin, qofkuna uu soo garaaci doono hadii uu wax yar dareemo, wax yar ka dibna waa la dul imanayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Waxa soo baxay dhalinyaro biyagu habeenkii xaafadaha wareega dadkana dhibaato u geysta, waxaanu u sahlayaa dadka in ay dhalinyaradaas oo iyagu Mobilka doonaya in ay ka qadaan qofkaasi uu hoosta ka garaaco 999 dabadeedna iyaga oo ku mashquulsan ay soo gaadhaan ciidamadu, sidaasna lagu qabto,” ayuu yidhi.

GAADIIDKA (2)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu xusay in ay gaadiidkaasi wareegi doonaan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa 24-ka saacadood, “Gaadiidkani waxa ay wareegi doonaan xaafadaha kala duwan 24-ka saacadoodba, ciidamaduna waa kuwo heegan ah. Waxa kale oo aan bulshada halkan uga jeedinayaa in mar hadii aanu fududaynay ciidamada booliska adeega ay fulinayaan, in ay shacabkuna halkii hore ka soo dhawaadaan oo u arkaan ciidamadaasi in ay yihiin kuwoodii, sida beesha caalamkana ula shaqeeyaan ciidamadooda, waayo dunida kale dadkeedu iyaga ayaaba wada boolis ah,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland isaga oo muddo yar oo kooban joogay waxa uu nagu soo wareejiyay gaadiidkaas badan ee aad arkaysaan, waxaanay wax badan ka qaban doonaan dhinaca nabadgalyada, waana adeeg runtii u sahlaya shacabku in ay ku helaan wax ay doonayaan.”

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland runtii waan ku amaanayaa dedaalka iyo waliba wax qabadka muuqda ee uu durba ciidamada Booliska geliyay,”ayuu yidhi Taliyuhu.

SOMAILANDPOST.NET