Ciidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay Khamri Tiro Badan iyo Dadkii Sitay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Caasimadda ayaa gacanta ku dhigay 600 litir oo maandooriyaha Khamriga ah, kaas oo dalka ka soo galay dhinaca Itoobiya.

Ciidamada Booliska waxa ay xarunta taliska booliska ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigeen 30 Jirikaan oo nooca 20ka litir qaada ah, kuwaasi oo laga soo buuxiyey Khamriga laguna soo qaaday baabuur Surf ah oo dhinaca xuduudka dalka ka soo gashay dhinaca dalka Itoobiya.

KhamriTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta warbaahinta uga warramay khamriga ay boolisku qabteen, ayaa sheegay in ciidamada booliska Hargeysa ay qabteen khamriga oo la doonayey in lagu iibiyo gudaha Caasimadda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Khamriga ay u qabteen laba qof oo uu sheegay inay yihiin kuwii sitay ee doonayey inay sda sharci-darrada ah uga ganacsadaan iyo weliba baabuurkii lagu siday oo ahaa nooc Seeraf-ta loo yaqaan kaas oo ciidamaddu gacanta ku hayaan.

Waxa muddooyinkii u dambeeyey soo badaneyey maandooriyeyaasha dalka uga soo tallaaba dhinaca waddamada Jaarka ah kuwaas oo inta badan ciidamadu ku qabtaan gudaha iyo nawaaxiga caasimadda Hargeysa, waxaana marka khamriga laga reebo, wakhtidan dambe dalka soo gala maandooriyeyaal ay Xashiishaddu ka mid tahay, kuwaas oo badanaa ciidamada ammaanku fashiliyaan gacanta ku dhigaan dadkii sitay.

SOMALILANDPOST.NET