Ciidamada Bashaar oo la wareegay magaalo muhiim ah!

Suuriya(SLPOST)Ciidamada xukuumada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya ayaa la wareegay magaalada Zara ee ka tirsan gobalka Homs.

Syrian army continues gains against rebel forces

Magaalada Zara ayaa ah magaaladii ugu weyneyd ee ugu danbeysay oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Mucaaridka dhinaca xaduuda u dhaxeysa dalalka Lubnaan iyo Siiriya.

Magaalada Zara iyo gobalkaasi Homs ayey todobaadyadii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo xoogleh iyo duqeymo ay wadeen ciidamada Bashaar Al assad oo gacan ka helaya xoogaga Xisbullah.

Guusha ciidamada Bashaar Al Assad ka gaareen todobaadyadii lasoo dhaafay dhinaca deegaanada u dhaw xadka dalka Lubnaan ayaa lagu tilmaamay mid ay kaga faa’iideysteen khilaafka ka dhaxeeya xoogaga mucaaridka oo xiligan khilaaf weyn soo kala dhexgalay.

Somalilandpost.net

Hargysa/office/Somaliland