Ciidamada Ammaanka Somaliland oo ku guulaystay Fashilinta hawl-gal Argagixiso oo Caasimadda laga Fulin Rabay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo sida la sheegay damacsanaa inay falal amni-darro ka fuliyaan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Masjid Al-Jaaamica Weyn ee Hargeysa maalintii Ciida-Fidriga.

Warkan oo ay maanta qortay jariiradda madaxa Bannaan ee Jamhuuriya, waxa uu sheegayaa in raggani damacsanaayeen inay qaraxyo ka fuliyaan Masjid Al-Jaamica Hargeysa maalintii Ciidda oo Madaxda Dalka oo Madaxweynuhu ugu horreeyaa ku tukanayeen.

Warkani waxa uu intaas ku daray in tirada nimankani ahaayeen afar balse gacanta lagu dhigay saddex ka mid ah halka kii afraadna la la’yahay, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay saddexda nin waxyar ka hor intii aanu madaxweynuhu iman, waxaanay wakhtigaas ku sugnaayeen dhinac Woqooyi ee Masaajidka ee ah Albaabka uu Madaxweynuhu ka galay.

Ciidamada amnia ayaa laga soo xigtay in raggani ay yool u ahaayeen booliska isla markaana muddo badan dhaqdhaqaaqooda lala socday, waxaana la sheegay in nimanka la hayaa ay ka yimaaddeen dhanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho isla markaana ay damacsanaayeen inay fuliyaan falalka waxshinimada leh ee lagu yaqaano kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya gobolladeeda Koonfurta ka talisa.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com