Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay IDAACAD Xukuumaddu baadi-doonkeedu Dhakafaar ka qaadday iyo Shaqaale ka hawl-galayey

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ee Hargeysa, ayaa caawa gacanta ku dhigay Idaacad FM ah oo saddexdii bilood ee u dambeeyey laga dhegaysanayey gudaha magaalada Hargeysa, taas oo xukuumaddu ku jaah-wareertay isla markaana ay baadi-doonkeeda ku mashquulsanayd muddooyinkii u dmabeeyey.

baadi-goobIdaacadda oo lagu magacaabo Radio Baadi-goob oo habeen kasta Abaarro 9:00 Fiidnimo hawada soo geli jirtay, lagana dhegaysanayey qaybo badan oo ka mid gudaha caasimadda, ayaa ciidamada ammaanku caawa fashiliyeen waxaana gacanta lagu dhigay qalabkii loo adeegsanayey baahinteeda iyo Afar Qof oo ka hawl-galayey, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyuhu waxa uu sheegay, baadhis iyo daba-gal dheer ka dib, ay Ciidanka boolisku xaafadda October ee Koonfurta magaalada Hargeysa ka heleen Idaacadda isla markaana ay gacanta ku dhigeen afar nin oo uu sheegay inay hawsha baahinta ku dhex jireen.

Taliyaha Ciidanka Boolisku ma sheegin faahfaahin intaas dhaafsisan oo la xidhiidha hawl-galka Idaacadda lagu soo qabtay, haseyeeshee ilo-wareedyo hoose ayaa shabakadda Somalilandpost in hawl-galkani lagu soo qabtay Idaacaddani uu yimi ka dib markii sida la sheegay uu madaxweyne Siilaanyo ku canaantay Taliyaha Ciidanka Booliska xog-la’aantooda iyo sababta ay u qaban-waayeen Idaacadda gudaha magaalada laga dhegaysto, taasina ay soo de-dejisay tallaabada lagu soo qabtay Idaacadda oo hore loo ogaaday inay taalo xaafad ka tirsan Degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Hargeysa ilaa immika wax faahfaahin ah kamay bixin cidda iska leh ee maalgelisa iyo cidda ku shaqaysata Idaacadda.

Idaacaddan ayaa baahin jirtay Heeso qaraami ah oo u badan kuwii Towradda Taliskii Kacaanka ee Siyaad Barre, isla markaana u badnaa heeso la sameeyey wakhtigii dawladdii Kacaanka ahayd dagaalka kula jirtay dawladdii Itoobiya, kuwaas oo habeenkii oo dhan laga dhegaysan jiray muddo saacad ah oo hawada ay ku jirto.

Dastuurka Somaliland, ayaan ogolayn in dalka laga hirgeliyo Idaacad aan ahayn Idaacadda Radio Hargeysa ee Afka Xukuumadda ku hadasha, in kasta oo ay jiraan Idaacado dalka leeyahay balse xarumahoodu yihiin waddamada Dibadda kuwaas oo ku hadla Afka Xisbiyada Mucaaradka ah.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa ku shaqaysan jiray, ololihiisa iyo cambaareynta uu u jeedin jiray xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale u adeegsan jiray Idaacad lagu magacaabi jiray Horyaal oo xarunteedu ahayd waddamada Scandanevian-ka ee Qaaradda Yurub, isla markaana ay ka hawl-galiyeen wariyeyaal dhowr ah, haseyeeshee Idaacaddaas ayaa hawada ka baxday markii uu Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyihi hore ee Kulmiye, uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii ka dhacday dalka, iyada oo wariyeyaashii ka hawl-gali jiray Idaacaddaas intoodii badnayd laga hawl-galiyey Warbaahinta dawladda.

SOMALILANDPOST.NET