Ciidamada Ammaanka oo baadhitaan Saacado Qaatay Xalay ka Fuliyey Xaafad ka tirsan Degmada 26 June

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada hawl-gallada deg-degga ah iyo la-dagaalanka Argagixisada, ayaa xalay xilliyadii dambe baadhitaanno ammaan ka fuliyey qaybo ka tirsan Xaafadaha magaalada Hargeysa.

Wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost oo wakhtiga hawl-gallada ciidamadu fuliyeen baadhitaannada  shaqada ka sii rawaxayey isla markaana gurigiisa ku si socday, ayaa xaqiijiyey ciidamada sida gaar ah u tabobarran ka hortagga Argagixisada kuna gaashaan ilaa tobaneeyo baabuurta booliiska, ayaa Abbaaro 2:25 Daqiiqo ku joojiyey Hotel-ka Togdheer ee magaalada Hargeysa isaga oo wakhtigaas u sii jeeda gurigiisa oo ku yaala agagaarka Radio Hargeysa.

“Waxaan wakhtigaas ka rawaxay shaqada, aniga gurigayga ku sii jeeda. Marka woxoogaa dhaafay Hotel Togdheer, ayaan arkay gaadiid tiro dhowr ah oo ciidamo aan wejiyadooda la arkayn. Isla markiiba waxa lay faray inaan gedaal u noqdo, isla markaana aanay suurto-gal ii ahayn inaan goobtaas dhaafo, hawlo baadhiseed oo socday awgeed,”ayuu yidhi Wariyahan ka tirsan Shabakadda Somalilandpost.

Dadka deggen xaafadda baadhitaanka lagu waday oo qaarkood aanu la xidhiidhney, ayaa sheegay in ciidamada SPU iyo RRU ee sida gaarka ah ugu tabobaran hawlaha ka hortagga iyo xakameynta hawl-gallada argagixisadu, ay baadhitaan ku wadeen guri ku yaala xaafaddaas, kaas oo uu hore u deggenaan jiray Alle ha u naxariistii Muj. Maxamed Ibraahim (Laba-qumac) oo hore loo xidhay balse markii la siidaayey uu u baxsaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu ku geeriyooday.

Guriga ay ciidamadu hawl-galka ka fulinayeen waxa markii dambe laga xidh-xidhay dhowr qof oo uu ku jiro Nin Suxufi ah oo ka hawl-gala mid ka mid ah Wargeysyada Magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen dadka xaafadda deggen oo intii hawl-galku socday aanu kula xidhiidhney khadka Telefonka.

Masuuliyiinta hay’adaha amniga Qaranka ayaan ilaa hadda ka hadal ujeeddada hawl-galka ay ciidamadaasi ka fuliyeen hawshan, mar aanu isku dayney inaanu wax ka weydiinno hawl-galladan, nooma suurto-galin inaanu wakhtigaas helno.

Waa hawl-galkii labaad muddo todobaad gudihii ee xilli dambe oo habeennimo ah ay ciidamada ammaanku xaafadaha magaalada Hargeysa ka sameeyaan, waxaana hawl-galladaas lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo markii dambe qaarkood la sii daayey.

Somalilandpost.net/Hargeysa