Ciidamada Ammaanka Malaysia oo Gacanta ku dhigay Soomaali lala xidhiidhiyey Kooxda Shabaab

Kuala Lumpur (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Dalka Malaysia, ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta, kaas oo dalkaas ku galay inuu yahay arday Dalxiis ah.

ACiidamada Booliska magaalada Caasimadda ah ee Kuala Lumbur, ayaa sheegay inay guul ka gaadheen qabashada nin Soomaali ah oo da’diisu lagu qiyaasay 34-jir, kaas oo booliiska Adduunka (Interpol) baadi-goobkiisaku duba-jireen iyada oo loo haysto dembiyo la xidhiidha argagixisada.

Waaxda ciidamada booliska ee la-dagaalanka Argagixisada ee Bukit Aman, ayaa la sheegay inay ku daba-jiraan Lix xubnood oo lagu xidhiidhiyey inay ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay dalkaas gaadheen.

“Waxa la filayaa in la dhowaan la qab-qabto xubno kale. Booliisku degdeg ayey u hawlgelayaan ka hor intaan kooxdan argagxisadu fadhiisimo ku yeelan dalka,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay ciidanka Booliska dalka Malaysia.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dalka Malaysia Datuk Seri Mohd Bakri Zinin, ayaa sheegay in ninka shalay ay qabteen, la rumaysan yahay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Al-Shabaab.

“Waxa hore loogu eedeeyey falal argagxiso oo ka dhacay Bariga Afrika, waxaanu ku jiray liiska magacyada Interpol raadinaysay,” ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka booliska Malaysia.

“Waxaanu baadhaynaa hawlaha uu ka qabanayey Malaysia si aan u ogaano hadday jiraan xubno kale oo Shabaab ah oo isku qarinaya dalka ama qorsheynaya hawlgalo halis ku ah amaanka,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay baxay booliiska.

SOMALILANDPOST.NET