Ciidamada Ammaan oo gacanta ku dhigay Maandooriyeyaal aan qaarkood hore loogu arag Somaliland

Hargeysa, 17 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Maanta cadeeyay in Ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhigeen 750 Litir oo Khamri ah, Xadi ka mid ah Maandooriyaha Xashiishada, Gaadhigii Siday iyo laba eedaysane oo watay.

Taliyaha Booliska oo Xafiiskiisa Warfidiyeenada kula hadlayay ayaa iftiimiyay in hawlgal ay Maanta fuliyeen Ciidanka, markii ay heleen xog dhab ah ay ku soo qabqabteen laba eedaysane, gaadhi ay wateen oo Noociisu yahay Mark 2 oo ay saarnaayeen Todoba boqol iyo Konton Litir oo khamri ah iyo xaddi ka mid ah maandooriyaha Xashiishada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C.laahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in la dagaalanka nooc kasta oo ka mid ah Maandooriyayaashu ay ka mid tahay waxyaabihii uu ummada u balan qaaday markii uu xilka la wareegay waxaanu xusay in maandooriyayaashu ay ka  mid yihiin waxyaabaha khatarta galiya nabadgalyada dalka waxa uu taliyuhu amar buuxa ku siiyay Ciidanka boolisku inay xooga saaraan la dagaalanka Maandooriyaha isagoo bulshada ka codsaday inay Ciidanka ku gacan siiyaan wax kastoo amniga wadanka saamayn ku yeelan kara .

Taliyuhu wuxuu si gaar ah ugu digay dadka  gaadiidlayda ahi  inay ka taxadiraan waxyaabaha ay baabuurtooda ku soo qaadaan, isagoo intaas ku daray in dadka lagu soo qabqabtay hawl galkan ay sida ugu dhakhsaha badan u horgayn doonaan Sharciga.

SLpost News/Hargeysa