Ciidama Amaanka Itoobiya Oo Ka Hor-tagay Dad Dibad-bax Ka Dhigay Gobolka Oromada

(SL.Post) Booliska Itoobiya ayaa sunta ilmaha ka ilmeysiisa iyo rasaas digniin ku riday kumanaan ruux oo dibad bax ka dhan ah dowladda ka dhigay magaalada Bishoftu ee Gobolka Qowmiyada Oromada, kaasoo 40km u jira Caasimada Addis Ababa.

 

Isu soo baxan oo markii hore ahaa caada diimeed ay xusaan dadka oromada sanad walba ayaa mar kaliya dadkii isugu soo baxay waxay ku dhawaaqeen erayo ka dhan ah dowladda.

Booliska ayaa rasaas cirka ugu riday dadka, iyo sunta ilmaha ka ilmeysiisa, taasoo keentay in dadka ay kala cararaan, iyagoo is buurtay. Is buurashada dadka ayaa la soo sheegayaa in dad badan ku dhaawacmeen, sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee Reuters.

Dadka dibad baxayay ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin “Waxaan u baahanahay xoriyad iyo Cadaalad”, sidoo kale waxay wateen calanka jabhada xoreynta Oromada ee midibkiisu yahay Gaduud, cagaar iyo jaalle.

Banaan baxyo goos goos ah ayaa labadii sano ee u dambeeyay ka socday Gobolada Oromada, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Itoobiya, tan iyo dhamaadkii sanadkii 2015 waxaa hey’adaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in booliska ay dileen boqolaal dibad baxayaal ah.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah dadka ugu badan Itoobiya ayaa banaan baxyo ka dhan ah dowladda xilka heysa ka dhigayay goboladooda, iyagoo ku eedeynayay cadaalad daro iyo ku tagri fal awoodeed oo ay sameeyeen xisbiga talada haya.

 

Somalilandpost.net