Dahabshiil oo Farxadda Ciidal-Fidriga awgeed Hambalyo Kula Ciidaya Umadaha Muslimiinta ah

Hargeysa (SLpost)- Mulkiilaha ee shirkadaha Dahabshiil ayaa Farxadda Ciidal-fidriga awgeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shucuubta Islaamka ee Adduunka gaar ah dadka Soomaaliyeed ee Dunida ku kala ciidaya.

Warsaxaadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Shirkadda Maxamed Siciid Ducaale oo ka soo baxay Xarunta Guud ee Shirkadda isla markaana isla markaana ay Shirkaduhu Farxadda Ciidda dadka kula ciidayaan ayaa u dhignayd sidan:

Ugu horreyn, naga guddooma, salaam iyo bariido huwan milge, maamuus iyo tix-gelin badan; As-salaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatuh.

Intaas kaddib, aniga oo ku hadlaya magaca maamulka, hawlwadeennada iyo wakiillada laamaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil ku leeyihiin daafaha dunida, munaasabadda ciid-al-fitriga awgeed, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadaha islaamka, shucuubta afka Soomaaliga ku hadasha iyo si gaar ah; macaamiisha aannu sharafta badan u haynno ee sida tooska ah ugu xidhan adeegyada kala duwan ee ay Shirkadaha Dahabshiil bulshada u fidiyaan.

Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubbanayd, cibaadadii iyo soonkii aynu bisha Ramadaan gudannay, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

Ugu dambaynna, waxaannu idin leennahay CIID MUBAARAK, KULLU CAAM WA ANTUM BILKHAYR. Hambalyo… Hambalyo… Hambalyo!

ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost@yahoo.com