CIID MUBAARAK: Bahda Shabakadda Somalilandpost iyo Hambalyada Ciidal-Adxada

SOMALILANDPOST-latestMunaasibadda barakaysan ee Ciidal-Al-adxada oo ku beegan maalinta Berri oo taariikhda Hijriyadu tahay 10-ka Dulxijah, ayaa looga dabbaal-degayaa dhammaanba dunida Islaamka.

Haddaanu nahay bahda Shabakadda Somalilandpost.net, waxa aanu farxadda maalintan oo Qiime weyn ugu fadhida Umadda Muslinta aanu farxaddeeda la wadaagaynaa dhammaanba umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Somaliland, waxaanu hambalyo iyo bogaadin guud ahaan ugu diraynaa Umadda Muslinka, gaar ahaan Inta Af-Soomaaliga ku hadasha oo aanu leenahay Eebbe ha idinku gaadhsiiyo Nabad-qab, Barwaaqo iyo Cibaado-san.

Waxaanu si gaar ah hambalyada Farxadda Ciidda ugu diraynaa dhammaanba Akhristeyaasha Soomaaliyeed ee sida joogta ah ugu xidhan Shabakaddan Somalilandpost.net oo aanu leenahay Caafimaad-Qab ku Ciida, Eebbana waxaanu uga rejaynaa Cimri-dherer iyo Barwaaqo. Aamiin…Aamiin.

Maamulka Somalilandpost.net