Cidla joogoow! Caynkan weeyee haw Cadhoon! – W/Q: Guuleed Cumar Madar.

guuleed cumar MadarSiraad : Waar Saaka maanad kacaynba hadhku waa dheeryahay Suldaane?

Suldaankii : Mayee waan kacayaaye dacarbaa iyara haysoo shalay baannu qaad xunoo malaha aan is idhi baarixi ayuu ahaa kii yaraa iisoo qaadoo, saanu u cunaynay ayuunbaan labo-labo ka qaaday oo waanigii fiidba iska soo hoyday xalay .

Siraad : Dacarbaad sheegaysaaye daacuunbaa kaaga baqayaa! sSo laguguma falin oo adoon qadayn ku bilaabi maysid, Dadku intay qadeeyaanooy nafisaanbay ka dibna fadhiistaane Alle haku uruuriyo waxaan ku idhaa anuu garan maayee !

Suldaankii : Kuwii yaryaraa meeye? saaka miyaanay Jimce ahayn?

Siraad : Jimcahaaba kala dhac! waa Khamiis saaka oo dugsiga ayay ku maqanyihiin. Saaka waa maalinkay hore u soo rawaxayeenoo hadda wadaddaabay ku soo jiraane.

Suldaankii: Haa! Bal haddaa ii soo saar cumaamad iyo dhar kalena, aan hore u baxee, Hadday isoo gaadhaan imikay i wareerine .

Siraad : Waa diyaar dharkuna waa kuwa sariirta saaran intaanan saaka suuqa taginbaaban kuu sii diyaariyee halkaa orod ka qaado.

Suldaankii Waa uu diyaar garoobay waxa uu soo istaadhay gaadhigiisii gaarka ahaa , waxaanu siduu u soo socday yimid meel maqaaxi ah oo uu badanka fadhiisto marka aanu qayilayn ama aanu hawl ku jirin. Waxa uu dalbaday Warsidayaasha magaalada ka soo baxa kuwooda ugu af-dheer ee illaa waxa la filayo ka sii warama .

Waxa uu bogga uugu horreeya ee wargayska layidhaa “Dhaliisha adduunka ” ka akhriyay in Salaadiin reer Sumcad Dheegii cambaar dusha uga tuureen isaga iyo Xukuumadda uu hogaaminayo Xarrago.

Suldaankii isaga oon dhinacna eegin ayuu taarkiisa kala xidhiidhay Dhoollayare oo u shaqeeya Muuq-baahiyaha adduunka oo dhan laga daawado ee la yidhaa “Dhashiinna ka qaata dalkii Dhaqdhaqaaqye”.

Dhoolayare oon dhag la qabto lahayn ayaa dhuumasho ku soo galay bartii dharigu ka bislaa ee Suldaanku ka eedaamayey .

Suldaankii: Maanshaa allaah adeer waad soo dhakhsatay Dhoollayare. Wax saa u sii wayni may jirine saaka woxogaa cambaaro ah ayaan ka akhriyey Warsidihii “Dhaliisha adduunka” Oo kuwii reer Sumcad Dheeggii ayaa afkaba isku qaban la’, waxay doonayaanna la garan maayoo cadceeddii soo baxdaba waa cambaartaa aniga iyo Xarrago nahaysata. Bal waxaan doonayaa inaynu u jawaabnee qaabkee aynu hadalka u dhignaa si’ay shacabka intooda dhago nuguli ugu kacdo kuwaa, qayrkood Alle haka reebee .

Dhoollayare: Inna mari hudheelkeennii ayaynu Shir jaraa’id ku qabane .

Suldaankii: Wallaahi waa run arrinkani intaanu madaxwaynaha ama Xukuumadu ka hadal waa inaan nimankaa seefta galka uga saaraa saaka.

Hudheelkii : Maanshaa allaah Suldaan barqo wanaagsan! saaka wajigaaga cadhaa ka yara muuqatee maxaa inagu soo kordhay ?

Suldaankii : Haayoo kuwii xunkiibaa laga fadhiisan laayey oo saaka waxbay ku daabaceen wargaysyadii magaalada, bal imika waakan Dhoollayarena ila socdoo waxaanu rabnaa inaanu shir jaraa’id qabanno ee bal waynu eegi halkay afxumo reer sumcad dheeg gayso!

Dhoollayare kamaraddii iyo qalbkiisii isku rakib oo Suldaankii geed hadh-wayn u kala xaadh- xaadh kana duub warbixintii isaga iyo Suldaanku isku salgooyeen , qaabeeyeen , qurxiyeen ee hanjabaadda iyo af-gobaadsiga iskugu badhxeen.

Dadkii shacabka ahaa ee ka huleelay waa hore wadanka ee u haajiray wadamo aanay waxba ka jirin oo xaaladooda siyaasadeedna fadhido ee aroortii kallahay qaarkood waxbarasho tageen, qaarna xoogsi tageen, qaarna kaba hurdeen, qaarkoodna ubadkooda korsanaayeen balse dadkoodu ay joogeen wadankan Suldaanka iyo reer Sumcad dheeg iyo Xarrago iskugu awood sheegteen, ee lagu naannayso Qurbajoogtu Ha soo wada rawaxaan fiidkii ha is yidhaahdaan Muuq-baahiyihii “Dhashiinna ka qaata dalkii dhaqdhaqaaqye” fiirsada oo wadankii wixii wanaag ka jira bal ku sasaba nafta boholyawday ee buulkeedii ka soo dheeraatay! Mise waaba Suldaankii oo leh “Waxaad saaka ka akhrisateen wargaysyada in reer Sumcad Dheeg cambaar dusha nagaga tuureen aniga iyo madaxwayne Xarrago, waxaan idin leeyahay waxay sheegayaan waxba kama jiraan .

Annagaa amniga waddanka gacanta ku hayna cid aanu u daba fadhiisanaynaa ma jirto shaqadayada. Xarrago waxbadanbuu qabtay haddii aanay indhihiinu caafimaad qabin waxaanu idin nidhaa garan mayno, Haddaad aadyar joogi waydaan walaahi waad garanaysaan Abaartii Daba dheer waa la is yaqaanaa, waa la qixi, ninna xumaanta wax noqon maayo waa laga soo wada cabi naarta ee loo kala horraynmaayo , Annaga uun caano nagagama daadanayaan…”

Waa kuwaa naxay dadkii ee calool xumo ku seexday iyo caawa wixii xumaanayaa ha xumaadaan miyaad hub haysid aad u dirtidba oo hallayskuba madhee.!

Xarrago: waxa uu u diray xubinta xaga Salaadiinta u qaabilsan Suldaankii sida geesinimada leh uga hadlay Muuq-baahiyaha in la casuumo oo Qaadkiisa bisha inta ka hadhay geedka loo saaro.

Ujeeddada sheekadan iyo micnaha ay ka tarjumayso waxaan u soo qaatay inaanu ku sawiro sida aynaan wali uga guulaysan qabyaaladdii inta aynu reero u kala fadhinona, gaadhi mayno gurigaynu u soconnay.

Abwaan Abdilaahi Suldaan Tima cadde gabaygiisii qabyaaladda uu kaga hadlayey waxa uu u dhignaa sida tan .

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye

Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda Bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

BAL inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe

Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

………….. ……………….. ……………….. …………………………

Gabooyaha kuwaa ula baxdaan gacal ma moodaane

Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene

Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne

Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline

Gooddiga la daaqiyo markii geliga loo diiday

Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye

Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye

Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo

Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane

Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga

Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso

Halkaad caawa joogtaa mid kale soo higsanayaaye

Soomaalaay habeen baad tahoo maad hanbaabirine

Adaa heetinaayee nin kale hiirta kaa durugye

Nin habaas butaystaan ahoo hawd dhex yuurura e

Hawadaa la marayaa anoo hooska jiifsada e

Hakashada waxaa kuugu wacan hor u kac kuu diiday

Amma hoos innoo dhigay malaa hadiba maysaane

Balaan kuu higgaadshee mar kale hooya taladayda

Hormo wade dadkoo hal iyo mida hayb u kala sooce

Boqor haarrinaayiyo Suldaan soo hor kaca beesha

Shaydaan hunduudiyo Garaad kama hawootaane

Ninka hadhaca loo xaadhayaa waa habkii tegeye

Adduunyadu horay uga martoo waa hayaan socode

Horaa looga jiitee adaa haysta weligaaye

Sawdigan Habtii weli ku jira hore wixii joogey

Illayn waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye

Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?.

 

Allaah ayaa mahad iska leh.

Qalinkii : Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Darmstadt, Germany.