Ciddidii Fiidmeerta! W/Q: Saddaam Carab

Geed wayn oo galool ah hoostiisa, goor casargaaban ah buu hoos kadaloobaa. Daabka gudinta uu dhowr geed ku soo malgay goordhawayd baa degta u sudhan. Ci’da shimbiro door ah oo geedka dushiisa ku ciyaaraya, maya’e ka heesaya ayuu maqlayaa. Cadceedda iyana hawsheedii dhammaysatay ee hoggeeda ku hoyanaysa ayuu arkayaa. Neecaw qabow oo naxariis ahina wajiga ayey ka salaaxaysaa. Hase ahaatee Mooge nin waxaas danaynaya ma aha. Dareenkiisa waxa ku loollamaya laba shay. In uu fiidmeertii soo malgo oo u geeyo Ugaaso iyo xasuusta Awoowe Gamadiid oo uu aad uga xumaanayo.

Gamadiid waxa uu ahaa waayoarag adduun oo aqoon u leh arrimaha bulshada. Moogena awoownimo ka sokow waxa uu la ahaa saaxiib aad u dhow. Mooge waxa uu in badan u adeegi jiray awoowgii Gamadiid. Waysada oo uu biyeeyo iyo waabka uu u hagaajin jiray baa hawlahaas u mudnaa. Waydiimo tiro badan oo uu Mooge awoowgii waydiin jiray waxa uu ka korodhsaday khibrad iyo waayo aragnimo xeeldheer. Aad buu jeclaa, ula tashan jiray jeer uu gaadhay in uu arrin kasta wax ka waydiiyo.

Mooge dhanka kale waxa uu ahaa kuray markaas uun doobdillaacsaaday. Kalgacayl iyo xiise isku walaaqan buu kula dulkufi jiray gabanta uu halacsado si aan ku talogal lahayn. Wax aan ahayn astaamaha ninnimo ee kusoo kordhay ma ay riixayn mana ay ruxayn. Gabadh ay oodwadaag ahaayeen oo da’aaddiisa ah waa kii galab iyadoo adhi la joogta hadal daandaansi ku bilaabay. Waa tii daflaha dib u joogso ku waabisay. Waa kii sinaha intuu qabsaday hakintaas ku sii karaarqaatay. Sasabo, islawayni, baryo iyo wax kale oo ku walaaqan waa kii ku hurgufay. Cidi se dheg jalaq uma ay siin. Waxa uu si badheeh ah ugu sheegay in aanu sidaas dhibta yar ku joogsan doonin. Laakiin iyadu wax miyir qaba ma ay moodayn Moogaha rabay in uu khasab kula heshiiyo.

Markii uu ka soo laabtay buu dhowr saaxiibbadiis ah arrinta la wadaagay.  Midkii ugu taloda roonaa waxa uu u sheegay in ciddida shimbirta fiidmeerta la yidhaa uu taabsiiyo gabadha, dabadeed iyada oo jacayl la dhaansan ay ku dul meehannaabi doonto sidii wax waalan. Waxa ay ahayd wax fajac ku noqotay Mooge, in fiidmeer ciddideed gabadhi ku jeclaanayso.

Markii uu caweyskii guriga yimid buu go’aansaday in uu awoowgii waydiiyo runnimada talada saaxiibkii. Waliba waxa sida uu gabadha u jecelyahay si la mid ah u jeclaa runnimada ciddida shimbirta gabadha keenaysa. Isaga oo rajadaas iyo waydiintaas isku dhafan la kurbanaya ayuu waabkii awoow Gamadiid galay. Laakiin awoowgii waa uu yar gama’sanaa isna aad buu uga xishooday in uu toosiyo awowgii. Waa uu isaga noqday.

Mooge waxa uu galay xeradii geela oo markaas uun in la maalo loo diyaar garoobay. In kasta oo uu haaneedayey hadba hasha gorofka la hoos hayo, haddana dareenkiisu dhab ahaan wuu maqnaa. Waxa uu ku maqnaa yartii galabta, taladii saaxiibkii, maya’e waxa uu ka fekerayey waxa awoowgiisa maktabadda ahi ka odhan doono ciddida fiidmeerta. Gorofku jeerar buu ku sigtay in uu ka siibto oo caanuhu afrogmaan. Markii dhowr jeer uu sigay baa laga wareejiyey gorofkii oo isagu halihii u dambeeyay ma haaneedine wuxuu ahaa misgeedka. Fiidmeerta lafteedii oo hormartay dhowr jeer intii uu geela lisayey wuxuu ka dhex arkay gabadhii adhiga la joogtay iyo huruufkeedii. Mar buu isyidhi inta aad qabato shimbirta ciddida ka jar oo sanka meel aan ahayn ha ka soo marin yartii. Ha yeeshee wuxuu ku calool adaygay in uu horta awowgii ka soo hubiyo arrinta.

Markii xerada geela laga soo baxay baa war kii uu xumaa uu maqlay. Marar inta uu dambaabay buu istaaqfurullaystay. Marna riyo iyo run midkay tahay baa ku adkaatay. Ma uu rumaysan in aanu hurdo la jiifin Gamadiid ee xanuun la jiifay goortii dhawayd, mana uu rumaysan in uu saqbadhkii awowgii geeriyooday isaga oo waabkii yaalla! Runtii geerida awowgii Gamadiid waxa ay noqotay habeen u dumay Mooge. Maktabad idil in ay ka hoyatay marna si na uguma uu farxin. Waxa uu in badan isku canaantay markii aad dultagay miyaad la hadashid? Ugu yaraan xanuunkiisa marka aad ogaato dardaaran baad ka gunti lahayd, ama ugu yaraan ciddida fiidmeerta iyo arrinkeeda waad uga heli lahayd warcelin. Wax ay noqon lahayd ba waa kii ka noqday.

Dhacdadaas aanu jeclaysan buu galabtaas ka fikirayey, shimbiraha ka dul ciyayey war uma hayn, neecawda dhacaysayna ma uu ogayn. Waxa uu wali ka fikirayey ciddidii fiidmeerta, waxa uu ka fikirayey gabadhii, waxa uu ka fakirayaa awoowgii iyo intaas oo isku dhafan.

Ciddidii Fiidmeert.

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com