China Horn Group waa shirkad weyn oo caalimiya oo haysata aqoonsiga dhismaha

Shirkada China Horn Group waa shirkad caalamiya kuna guulaysatey dib-u-dhiska iyo casriyaynta madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport ee magaalada Hargeysa, dhismahan oo ay ku baxayso lacag ka badan afar malyan oo Doolarka maraykenka ah.

Shirkada Chine Horn waxay ka mid ahayd shirkadihii faraha badnaa ee u tartamay qandaraaska dib loogu dhisayo madaarka Hargeysa, markii ay qiimeeyeen gudida qandaraasyada qaranka Somaliland National Tender Board, lana eegay Profile-ka ay leedahay shirkada Chine Horn waxaa caddaatay in shirkada Chine Horn ay tahay shirkad adduunka sumacd ku leh una qalanta in ay dhisto madaarka Hargeysa.

Qiimayntaa ka dib gudida qandaraasyada Qaranku waxay ogaadeen in ay Chine Horn tahay shirkada keliya ee ka bixi karta dhismaha madaarka caalamiga ah ee Igaal International Airport, sidaa ayaana ay kaga guulaysatey shirkadihii badnaa ee tartanka la galay, waxayna keensatay isla markiiba qalabkii ay ku hawl geli lahayd iyada oo la wada ogyahay in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo] uu maalintii Axada uu dhagax dhigay dhismaha madaarka, sidoo kalena ay masuuliyiinta wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ay shaaciyeen in madaarka laga joojiyey diyaaradihii waaweynaa ayna madaarka ka degayaan diyaaradaha yar yar.

Sida aynu la wada socono mashaariicdan dib loogu dhisayo madaarada Hargeysa iyo Berbera waxaa Somaliland ku caawisay dawlada Kuwait, ka dib markii ay xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siillaanyo ay dedaal badan u qashay sidii ay dawlada Kuwait inoo ka caawin lahayd dib-u-dhiska madaarada ugu waaweyn Somaliland.

Hadaba waxaa wax lagu xumaado ah in ay shaqsiyaad dano gaara leh iyo weji ku macaash ay suuqa geliyeen in aanay shirkada Chine Horn aanay ahayn shirkad dhismaha ah ee ay tahay shirkad macdanta qoda, sidaana waxaa warbaahinta qaar ka mid ah ku qoray Maxamed C/raxmaan Gadhyare oo sida uu sheegay shirkada ka waayey Sub- contract.

Taasoo sababtay in Maxamed uu qaylo ooda ka qaado, taasina runtii ma ahayn qalbi saliima ee waxay ahayd haddii wax la ii dhiibi waayey maan qayliyo, runtii waxaan odhan lahaa Maxamed Qanyare mashruucan qarankaa leh suura-galna maaha in cid laga laaluusho waana qandaraas ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka lagu hor marinayo, mana aha halkan oo kale meel laaluush laga doono ee waa hanti qaran.

Waxaan odhan lahaa Maxamed C/raxmaan Gadhyare halkan waxba kaagama banaana haddii aad doonaysid in aad qaylo wax ku heshid hanti qaranku leeyahay qaylo ku heli maysid, Chine Horn-na waa shirkad caalamiya oo addunka laga ogyahay haddii aanay ahayn shirkad dhismaha ahna guddida qandaraasyada qaranku ma siiyeenm mashruucan waana shirkad dawladu hore u baadhay, markaa maxamed waxaan odhan lahaa dawladnimada ayaad meel kaga dhacday.

C/laahi Axmed Caarshe