Chelsea oo noqotay Kooxdii ugu horreysay ee magaalada London ka dejisa Koobka ugu qaalisan Yurub

[S]Lpost Sports – Naadiga Caasimadda London ka dhisan ee Chelsea ayaa markii ugu horreysay ku guulaystay Koobka ugu qaalisan qaaradda Yurub ee Champions League isla markaana noqotay kooxdii ugu horreysay naadiyada ka dhisan magaalada London ee Koobka ka dejiya magaaladaas ka dib markii ay 4-3 Rikoodhayaal kaga badiyeen Bayern Munich oo Marti loogu ahaa Garoonkeeda Allianz Arena ee magaalada Munuich.

Halyeyga Kooxda Chelsea ee Didier Drogba ayaa ka badbaadiyay Chelsea in koobka laga horqaado ka dib markii uu daqiiqaddii 88aad waxba kama jiraan uga dhigay goolkii uu kooxda Bayern Munich daqiiqaddii 83aad u dhaliyey Thomas Muller.

Markii ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1-1 wakhtigii loogu talo-galay, waxay noqontay in lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah, iyada oo wali u muuqatay inay kooxda reer Jarmal ay sida duufaanka ugu dareereen goolka kooxda reer London, waxaanay tani sababtay in Drogba uu halis galiyo kooxdiisa ka dib markii lagu qabtay Rikoodhe khalad uu ka galay weeraryahanka Faransiiska ah ee Frank Ribery, balse nasiib-darro umay suurtoobin Munich inay gool-ku-laadkaas ka faa’idaysato ka dib markii uu Petr Cech ka qabtay weeraryahanka reer Holland ee Arjen Roben

120 daqiiqo ee la ciyaaray ayaa ku dhamaaday barbaro 1-1 ah waxaana la isla aaday rigoodhayaal oo ay ku awood roonaatay kooxda Chelsea, iyadoo Schweinsteiger uu rigoodhe ka cunay ayern, halka Drogba uu dhaliyay rigoodhihii ugu danbeysay ee ay Chelsea ku qaaday Champions League.

Kooxda ka dhisan London ayaa dhigtay taariikh lama ilaawaan ah, iyagoo hanatay koobkoodii ugu horeeyay ee Champions League markii ugu horeysay 107 sanno oo ay jireen, halka sidoo kale ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee ka dhisan caasimadda London ee koobkan hantida.

Milkiilaha Kooxda Roman Abramovich ayaa tan iyo markii uu kooxda la wareegay 2003-dii, baadigoob ugu jiray koobkan, haseyeeshee, ka dib dhaqaale faro-badan oo uu geliyey, waxa riyadiisii suurto-galiyey tabobaraha ku-meelgaadhka ah ee Roberto Di Matteo oo laba todobaad ka hor kooxda la qaaday Koobka FA ee dalka Ingiriiska.

Guusha Chelsea ee hanashada Koobkani waxay u suuro-galisay inay sannadka dambe ka qayb-gali doonaan tartanka Champions League ee ay hadda haystaan ka dib markii ay booska ka riixdeen kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Tottenham, iyadoo sharcigu yahay in kooxda tartankan ku guulaysataa ay khasab tahay inay sannadka dambena ka qayb-gasho, xataa haddii aanay ku soo bixin horyaalka Dalkooda.

SIDA GOOLASHA RIKOODHAHA LOOGU KALA BADIYEY

Drogba wuu dhaliyey – BAY 3-4 CHE

Schweinsteiger wuu cunay – BAY 3-3 CHE

Cole wuu dhaliyey – BAY 3-3 CHE

Olic waa laga qabtay BAY 3-2 CHE

Lampard wuu dhaliyey BAY 3-2 CHE

Neuer wuu dhaliyey BAY 3-1 CHE

David Luiz wuu dhaliyey BAY 2-1 CHE

Gomez wuu dhaliyey BAY 2-0 CHE

Mata waa laga qabtay BAY 1-0 CHE

Lahm wuu dhaliyey BAY 1-0 CHE

SLpost Sports

sports@somalilandpost.net