Ceerigaabo: Urur-Siyaasadeedka WADANI oo awooddiisa ku muujiyay Dhoola-tus qarqiyay magaalada + [SAWIRRO]

Ceerigaabo, 24 March, 2012 (SLpost)- Kumannaan qof oo ka mid ah Taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta dhoola-tuskii u weynaa ka sameeyay Fagaaraha banaanka labada Masaajid ee badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka qabsoontay hawl-galkii tiro-koobka madax-taabashadda ahaa ee Gudidda diiwaan gelintu ay ku qiimaynayeen Ururada cusub ee siyaasadda.

Kumanaan ka mid ah taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI oo sitay astaanka iyo calanka ururkaasi ayaa qarqiyay wadooyinka iyo shaaracyadda magaaladda Ceerigaabo, waxaanay Hoggaanka ururkaasi u soo bandhigeen siday ugu jeelan yihiin urur-siyaasadeedkan.

Ururka Wadani wuxuu kaalinta koowaad ka galay hawl-galkii Tiro-koobka madax-taabashadda gobolka Sanaag oo ah gobolkii afraad ee laga fuliyay qiimaynta Gudida diiwaan-gelinta, halkaas oo saaka hiirtii ilaa duhurkii dadweyne aad u badani ay gaado ka ciyaar ka wadeen.

Axmed Xuseen Fag-fagaash oo ka mid ah Gudida fulinta  eek u meel gaadha ah ee urur-siyaasadeedka WADANI, oo fagaarahaasi kala hadlay taageereyaashii ururkaasi, ayaa sheegay inuu uga mahad-celinayo dadweynaha magaaladda Ceerigaabo iyo taageereyaashooda Gobolka Sanaagba sida ay ugu soo baxeen ururkan “Maanta waa maallin weyn oo farxad leh waayo dadkiinan ay ka muuqato shucuurta wadaninimo ee halkan iskugu yimi aad ayay noo farxad geliyeen, waana noo sharaf inaad halkan idinka oo kumanaan ka badan iskugu timataan.” Sidaas waxa yidhi Baylood fag-fagaash. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan dareemayaa in reer Ceerigaabo ay dareenkooda ku muujiyeen rabitaankooda ururka WADANI, waxaana aan idinku   boorinayaa  inaad u diyaar-garawdaan doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto.”

Maayar Ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ka hadlay fagaarahaasi ayaa isaguna u mahad celiyay taageereyaasha ururka WADANI ee gobolka Sanaag. Waxaanu u gudbiyay salaan uu uga siday Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Maayar Ku xigeenku wuxuu sheegay in ururka WADANI uu ka dheregsan yahay baahida Gobolka Sanaag u qabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka. Waxaanu tilmaamay inay wax weyn ka qaban doonaan “Waxaan u mahad naqayaa madaxta Ururka Wadani ee Gobolka sanaag ee sida quruxda badan dadka u soo abaabulay, waxaana inoo sharaf ah iyada oo kun qof la inaga dooonaayo inaad keentaan saddex laabkeed iyo in ka badan.” Sidaas waxa yidhi MD Uur cade.

 Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah madaxda Ururka WADANI, waxaanu reer Ceerigaabo ku ammaanay siday  ugu heelan yihiin ururkan oo uu tilmaamay inuu awooda saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa adeegyada bulshadda ee gobolkaas.

Axmed Cali waxa kale oo uu taageereyaasha WADANI ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan sidii ay ugu tabaabushaysan lahaayeen doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhawaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) iyo Maxamed Cabdi-maalik oo ka mid ah xubnaha Gudidaasi, ayaa u mahad celiyay taageereyaasha Ururka WADANI oo ay tilmaameen inay qarqiyeen magaaladda Ceerigaabo.

Ururka Wadani waxa uu hore kaalinta koowaad ka soo galay tiro-koobkii todobaadkii hore laga soo fuliyay Goboladda, Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland