Ceerigaabo: Sarkaal Boolis ah oo toogasho lagu dilay

Ceerigaabo (SLpost)- Magaaladda Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa xalay lagu toogtay Alle Ha U Naxariistee Taliyihii saldhiga Daallo ee Magaaladaas Jaamac garmaqaate,  ka dib markii sida ay wararku sheegayaan mid ka mid ah ciidamadiisu uu ku furay rasaas.

Taliyaha oo wakhtigaas ku sugnaa saldhiga Ciidamada Booliska ee Magaalada Ceergaabo, waxa dhaawaciisa loola cararay cusbitaalka magaaladda Ceergaabo, halkaasoo lagu daweynayay ka hor geeridiisaa ilaa haddana lama garanayo sababta uu askarigani ula beegsaday rasaasta.

Sida uu Wargeyka Ogaal u sheeg Wariye Cabdirisaaq Teera oo ka mid ah Wariyeyaasha ka hawlgala gobolkaas magaalada Ceerigaabo ayaa xalay lagu soo rogay bandoo, iyadoo laga dareemayo dhinacyadii ama beelihii ay kasoo kala jeedeen Taliyaha iyo askariga dilka gaystay is-abaabul hubaysan.

“Askarigan ka tirsan ciidanka booliska ee saldhiga Daallo ayaa abbaaro Salaadii makhrib ee xalay ku dhextoogtay Taliyihii Saldhigaas ee magaalada Ceerigaabo jaamac Garma-qaate.

Jawiga magaalada ayaa laga dareemayaa xiisad colaadeed, taasoo ay sababeen beelihii ay kasoo kala jeedeenTaliyaha dilka loo gaystay iyo askariga dilka gaystay, iyadoo beesha taliyuhu ay is-abaabulayaan oo ay is-urrursanayaan.” ayuu yidhi Wariye Cabdirisaaq Teera.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag cali Cabdi Hure ayaa guud ahaanba xalay magaalada Ceerigaabo ku soo rogay bandoo, ilaa haddana waxay ciidamadu ku hawlan yihiin soo qabashada askariga dilka gaystay oo aan weli gacanta lagu dhigin.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdirisaaq Teera oo Wargeyska Ogaal ugu waramay khadka Telefoonka.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com