CEERIGAABO: Gunaanadkii safarka maktabadda wareegta & Golihii Caweyska

Ceerigaabo (SLpost)- Safarkii Maktabadda Wareegta iyo Buugaagta Geeddiga ah ee 2/7/2012 ka soo bilowday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa Jimcihii lagu soo gebogebeeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ka dib markii Kooxda RedSea Online iyo qaybihii kale ee ka qayb-galay ay soo mareen inta u dhaxaysa labadaas gobol.

Kooxda hoggaaminayay buugaagta geeddiga ahi waxa ay gaadheen magaaladda Yufle oo qiyaastii u jirta magaalada Ceerigaabo 30 kiiloomitir, abaaro 11.00 subaxnimo ee Jimcaha. Waxaana halkaa ku soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Yufle, waxaanay kooxda maktabadda wareegta kulan la qaateen odayaasha magaaaladaas. Waxaanay ka wada hadleen sidi idhailnyarada iyo dadweynaha kaleba loogu dhiirigelin lahaa akhriska. Odayaasha deegaankaasi waxay codsadeen in barnaamij ballaadhan oo buugaagta geeddiga ah lagu qabto magaaladaas, hase ahaatee, wakhtiga oo yaraa awgeed ma suurtogelin.

Dhinacakale, odayaasha reer Yufle waxay weftiga u caddeeyeen in ay diyaariyeen goobtii laga dhisi lahaa maktabad dadweynuhu wada leeyihiin, isla markaana ay hirgelin doonaan maktabaddaas oo sanadka soo socda ay diyaar ahaan doonto.

Ka hor intii aanay kooxda buugaagta geeddiga ahi gaadhin magaalada Ceerigaabo, waxa duleedka magaalada ka hor yimi dadweyne tiro badan oo ay horkacayaan naadiga akhriska ee Anfac, kuwaas oo kooxda u gelbiyay dhinaca xafiiskooda. Waxaanay naadiga Anfac iyo kooxda RedSea Online isweydaarsadeen xog-waran kooban oo la xidhiidha waxyaabaha qabsoomay sanadkii tegay.

Munaasibaddii buugaagta geeddiga ahi waxay bilaabantay 7:00 fiidnimo ee maalinimadii Jimcihii, waxaana ka qaybgalay dadweyne tiro badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale masuuliyiinta gobolka iyo degmada. Jaamac Muuse Jaamac oo hormood u ah maktabadda geeddiga ah ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay ujeedada geeddigan oo uu sheegay in ay ujeeddadeedu tahay in la dhiirigeliyo akhriska, si loo helo bulsho aqoon leh.

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Boqor Maxamed oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Sanaag oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wax-akhrisku, waxaanu dhalinyarada ku dardaaray in ay wakhtigooda inta badan ku qaataan wax-akhris.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Gobolka Sanaag oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay dhinacooda taageerayaan dhalinyaradu in ay wax-akhriyaan, waxaanu dhalinyarada ku boorriyay in ay wax-akhrisku dhaqan u noqdo.

Munaasibaddaas oo lagu soo bandhigay riwaayad kooban oo dadku jeclaysteen, ayaa ku soo gebogebowday jewi deggan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net