Ceerigaabo: Dadweynaha iyo Maamulka oo Bannaan-bax Salmi ah ku Muujiyey Dareenkooda ku Aaddan Dhawaaqii Ingiriisku Ku Dhaliiley Ammaanka Somaliland

Ceerigaabo (SLpost)- Dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa maanta sameeyey bannaan-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan Dhawaaqii Boqortooyada Ingiriisku ku sheegtay inaan laysku halleyn karin Ammaanka Somaliland.

Dadweynahan oo tiradoodu boqolaal gaadhaysay, ayaa socod ku soo maray waddooyinka magaalada Ceerigaabo, iyaga oo ku dhawaaqay Hal ku-dhegyo ay ku muujinayaan Xasilloonida iyo Midnimada Somaliland, waxaanay markii dambe isugu yimaaddeen Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee magaaladaas.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal, Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, masuuliyiinta laamaha Dawladda ee gobolka iyo Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus gobolka Sanaag, ayaa dadweynaha kala qayb-galay isu-baxa ay ku muujinayeen Qaranimada Somaliland.

ceerigaabo_BanaanbaxBadhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire) ayaa dadweynaha reer Ceerigaabo uga mahad celiyay siday dareenkooda u soo bandhigeen, ugana xumaadeen warbixintii dhawaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo dadweynaha kula Hadley beerta Xoriyadda, ayaa ka warramay kaalinta ay Somaliland ka geysato nabad-gelyada mandaqadda iyo Sida Xasiloonidu uga tis-qaadday, “Somaliland waa dal nabad-gelyadiisu ay taam tahay, kamana jirto wax argagixiso ah. Somaliland afar Madaxweyne ayaa iska bedelay illaa 1991-kii, haddii aanay Somaliland nabad-gelyo ka jirin dawladnimo kamay hirgasheen. Afartaasi madaxweynena si salmi ah xilka ulamay kala wareegeen,” ayuu yidhi Maayarku.

Waxa kale oo dadweynaha la hadlay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka Sanaag kuwaas oo cambaareeyey dhawaaqii Ingiriiska, iyaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay nabad-gelyadu u leedahay Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET