Ceerigaabo: Beel Lagu Amray Laba Todobaad Gudahood Inay Ku Keenaan Gacan Ku-dhiigle Sarkaal Dilay

Ceerigaabo, (SLpost)- Weftiga  ka socda xukuumadda Somaliland ee  magaalada Ceerigaabo   u joogga  heshiisiinta laba beelood oo ay hore dirir u dhexmartay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahinta dalka qaarkood qoreen oo sheegayay in ay   ku guuldaraysteen inay isa soo hor fadhiisiyaan beelahaasi.

Xiisadan oo u dhaxaysa laba beelood oo ka mid ah beelaha wada dega magaaladda Ceerigaabo ayaa ka dhalatay dilka taliyihii ciidamadda koofiyad-casta milateriga ee guutadda 3-aad marxuum gaashaanle Siciid Cabdi Warsame,  oo  14kii bishii June sanadkan uu Ceerigaabo ku dilay askari ka tirsanaa ciidamadda uu xukumi jiray.

Iyadoo  markaa ka dib askarigii dilka gaystay uu ka baxsaday magaaladda, kaasi oo loo malaynayo in uu ku dhuumaalaysanyo dhulka buuraleyda ah.    Waxaanay dhacdadaasi   ka dhex abuurtay colaad labadda beelood  ee ay ka soo kala jeedeen marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.

Weftigan ka socda xukuumadda oo muddo todobaad ah u jooga Ceerigaabo sidii la isku soo hor-fadhiisin lahaa labadaasi beelood, waxaa xubno ka ah,     wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali  Caddami, oo weftigaasi hogaaminaya, iyo  wasiirka khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac, badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe  Cabdi Ciise (Shiine) iyo xildhibaan Bulqaas oo ka tirsan golaha wakiiladda.

Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ka mid ah weftiga ay xukuumadu u dirtay deminta colaadaasi oo la hadlay saxaafadda qaarkeed,  isagoo jooga magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,   ayaa beeniyay wararka sheegaya in weftigoodda ay ku gacan saydhay beesha  ninka laga dilay.

Waxaanu meesha ka saaray jiritaanka warkaasi ee ah  in ay  ku guuldaraysteen  xalinta arrintaasi,  waxaanu sheegay in  ay guddo galeen  sidii loo dejin lahaa xaaladda, isla markaana ay  kulamo gooni-gooni ah la yeesheen waxgaradka labadda dhinac.

Guddoomiyuhu  waxa uu  sheegay in aanay waxba ka diidin ergadda ka socota xukuumadda beesha ninka laga dilay, isla markaana ay ka ogolaadeen kana sugayaan dawladda in ninkii dilka geysta la keeno. Waxaanu sheegay in ay sii daayeen odayaal hore ugu xidhnaa arrinta kiiska dilkaasi. Isagoo  intaasi ku daray in gudidaasi xukuumadda ka socotaa ay habeen hore  soo saareen  go’aanka kooban saddex qodob, qodobadaasi oo ay ka mid tahay in cuqaasha iyo ciidamadu ay si wada jir ah iskaga kaashadaan ilaalinta iyo adkaynta nabadgeliyadda magaaladda.

badhasaabku,   waxa uu tilmaamay  in ay beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu  u qabteen in ay muddo 14 maalmood ah   ku keenaan ninkii dilka gaystay.  isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi  “Ma jirto wax fashilad  ah,  ilaa hadda hawluhu meel fiican ayay noo marayaan. Labadda dhinacba waxaanu la yeelanay wada hadalo gooni-gooni ah, weftigu wuu la kulmay labada dhinac ee wax ka dhexeeyeen. Waxaanu gudigu xalay (habeen hore)  gaadhay go’aamo ay ka mid yihiin:

In la sii daayo dadkii u xidhnaa arrinta kiiskaasi, marka laga reebo kuwii danbiyadda gaarka ah galay.

In beesha uu ka soo jeeday gacan ku dhiigluhu inay doonto ninkii dilka geystay.

In la ilaaliyo nabadgelyadda guud ahaan, ciidamada iyo beeluhuba ay ilaaliyaan, oo cuqaasha iyo madax dhaqameedku ay gacan bir ah ku qabtaan nabadgelyadda gobolka gaar ahaana magaaladda Ceerigaabo shalay ayaanu soo saarnay, isla shalay  (doraad) waxaanu sii daynay raggii xidhnaa, oo 12 qof  ahaa.

Marka  laga reebo afar qof oo iyagu u xidhnaa kiisas ahaa in looga shakiyay inay xidhiidh la lahaayeen ninka gacan ku dhiiglaha ah,  sida inay lacago u direen. Waxaanu sii daynay odayaashii xidhnaa, oo ay ku jiraan ninkii dilka gaystay walaalihii.  Waxaanu  amarnay beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu  in ay  soo qabtaan,  oo ay iyagu doonaan ninkii wax dilay. Afar iyo toban cisho ayaanu u qabanay inay ku keenaan ninkii taliyaha dilay”.

Guddoomiye Shiine,  waxa uu beeniyay in beesha uu ka soo jeeday marxuumka la dilay ay ku gacan saydhay inay wax kulan ah la yeelato weftiga ka socda xukuumadda ee xalinta arrintaasi u jooga Ceerigaabo, ilaa   la soo qabto   gacan ku dhiiglaha. Waxaanu sheegay in  beeshaasi ay si wanaagsan uga aqbashay  waxyaabihii ay ula tegeen, isla markaana ay u balan qaadeen in aanay dhibaato samaynin inta lagu jiro hawshaasi.

“Arrintaasi waa been cad, wax ka jiraana ma jiraan.  Ilaa  laba kulan ayaanay weftigayagan la yeesheen, beesha ninka  laga dilay,  waana dad Gob ah runtii, oo nabadgelyadu iyaga ku fadhido.  In  maanta Ceerigaabo, si nabad ah loogu ciido, iyaga ayay ku fadhidaa, markaa beeshaasi beel wax diiday ma aha, waa beel uu ninka maqan yahay, oo weliba si gobonimo ah ku sugaysa,  Wax  ay naga diideena ma jirto. Beesha dilka gaysatayna waa u diyaar inay hawlgasho, maadaama intii hore la moodayay inay hagrasho ku jirtay” ayuu yidhi guddoomiyaha Gabiley.

 

Dhinaca kale badhasaabka Gabiley waxa uu sheegay in uu  si gaar ah habeenimadii Isniinta   kulan ula yeeshay beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu isla markaana uu kala hadlay in ay sida ugu dhakhsaha badan u keenaan  gacan ku dhiiglaha, haddii kale ay ka  xukuumad ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan.   waxaanu rejo  ka muujiyay in ay ku guulaystaan dhamaystirka arrintaasi

Waxaanu  yidhi “Aniguna waxaan xalay (habeen hore)  shir la yeeshay badhasaab ahaan beesha uu ka soo jeedo ninka dilka gaystay,   waxaanan ku tir-tirsiiyay in ay ninkii keenaan.  haddii ay ninkii keeni waayana aanu ka qaadi doono tallaabo adag oo dawladeed hadda beeshu  way isku maqan tahay caawa (xalay) ayaanu dib u shiraynaa mar kale sidii arrinkani loo geli lahaa ee ninkii loo dooni lahaa, ayaanu shirka caawa ku saabsan yahay. Beri (manta)  beesha uu ka soo jeedo ninka dilka gaystay waxay u baxaysaa, inay gacan ku dhiiglihii doonaan,  oo ay soo radiyaan.”