Ceebta Madaarka Hargeysa Waa Mid Dul Fadhida Madaxweynaha

Waxa uu yidhi halyahey amba gooji amba ha goojin geela gugan dhalaayaan kugu tiriya. Madaxweyne iyadoo ceeb iyo wanaaga dalka ka dhaca dhammaan dushada yahay, ayuu kani si gaar ah kuu saaran yahay.Waxa taas u sabab ah afar arrimood:

  1. Waa guddiga qandaraska oo uu u madax yahay nin beeshaad ah.
  2. Waa iyada oon tartan xalaal ah lagu bixin ee la siiyey wiil aad adeer u tahay oo HJ ah oo Aadan Madoobe ah oo qoyskaaga hoose ah oo ah nin reer Xaaji ah. Waa nin aan wax khibrad ah u lahayn dhisme nooc kasta ha ahaadee oo aad tidhi ku barbaro.
  3. Waa wasiirka cirka eega ee duulista oo isna beeshaada ah.
  4. Waa Wasiirka Madaxtooyada oo dhegta ku haysta kuna tusi laha halka qalad ku jiro oo isna beeshaada ah.

Haddaba Madaxweyne waxa ummaddu la yaabtay maqaska laguu dhiibay eed dhoolacaddeynta lagugu bartay ku furtay, haddana la yidhi lamaba eegin inay dayuuraduhu soo fadhiisan karaan. WEli maan maqlay mashruuc la furo isagoon inspection lagu samayn, iska daa madaar dhan oo nafta aadmigu marti u tahay.

WAxa iyana soo baxaysa hadal uu qirtay Wasiirka cirka eega, oo uu yidhi hal iinchna kumaanu kordhin dhabbada dayuuraduhu fadhiistaan (Runway), lamana filaayo inay fadhiistaan dayuuradaha waaweyne.

 

Maanta waxa lagaga fadhiya inaad is baraxdo ood hantidhowr u dirto baadha soona xaqiijiya halka lacagti martay iyo sida loogu tagrifalay. Waxa iyana waajib saaran yahay Guddiga magac u yaalka ah ee Dhaqaalaha ee Wakiiladu inay ka hadlaan una diraan baadhis dastuurka ayaa u baneeyey taas. Iyaga waxba odhan maayo Guddiga La-dagaalanka Musuqa oo waa ma dhaafsiisana magac iska laftiisu been ah.

 

Bal beeshan hawsha isku kaliyeysay iyagy tolow ma laga heli kara nin soo labeeya Xildhibaan Reyte oo ah halyeel wadani ah taariikhdana lagu xusi doono. Waxa isna meelo dabadda ah ka hadla walow uu baryahan amuusay oo xeerkii Garadag lagu aamusiiyey Xildhibaan Maxamed Cali.

Kolay waa beel ballaadhan oo intooda badani wxa meesha ka socda wey ka xun yihiin weyse aamusan yihiin. Taasna laga wacan. Hadday hadlaan waxa yaraan doonta dadka sida qaldan beesha u weerara, waxaana la heli bulsho isku duuban oo qaladka iska qabata.

 

Madaxweyne waan kuu duceeya, maanta waxaan kugu duceynaya inaad raggan aad beel ahaan xilka ugu dhiibtay inaad la xisaabtanto ood arrintan gunteeda gaadho. Alle ha ku tuso xaqqa.

 

Cabdi Xaji Axmed

hargeysawi@ymail.com