Carwadda Kaluunka Somaliland oo Hargeysa Lagu soo Bandhiggay iyo Madaxweyne-Xigeenka oo Khudbad Ka Jeediyay

 

Hargeysa(SLpost)-Carwaddii koowaad ee kaluunka Somaliland oo shalay lagu daahfuray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa maantana lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo shallayna xadhigga ka jaray carwadda kaluunka iyo xuska maalinta kaluunka Somaliland oo loo soo asteeyay in sanad walba la xuso todobada bisha laba iyo tobnaad (7/12) ayaa maantana furay carwadda oo maanta ka bilaabmaysa caasimadda Hargeysa.

Mudane Saylici waxa uu u mahadnaqay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda kaluunka oo hawshan isku soo dubariday iskuna hawlay waxa kale oo shacabka reer Somaliland kula taliyey in la badsado cunista kaluunka oo uu sheegay in uu hilibkiisu caafimaad badan hilbaha kale ee xoolaha. Waxa kale oo uu madaxweyne-xigeenku soo dhaweeyay wafti ka socda dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya isaga oo sheegay in ay ku soo beegmeen maalin cunto qiimo badan Hargeysa lagu soo bandhigayo.

 

https://youtu.be/wBMiNu_iuiM