Carwada Wax Soosaarka Aduunka Oo Soomaaliya Ay Talyaaniga Kaga Qaybgashay Iyo Waxyaabihii Ay Soo Bandhigtay

 

MILANO(SLpost)-Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga waxaa ka socda carwo dalalka caalamka ay kusoo bandhigayaan wax soo saarkooda, waxaana ka mid ah dalka Soomaaliya, oo maal-gashi loo raadinayo.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa cunnada iyo midhaha lagu beero dhulka Soomaaliya, ayada oo dadkii ka qeyb galay furitaanka carwada la siiyey oo ay cuneen cunnooyin ay ka mid ahaayeen muuska,babaayga iyo khudrado kale oo ka baxa  Soomaaliya.

37838E25-E9A7-4FE9-8DB5-B59D61E7B444_w640_r1_s (3)

Xubnaha ka qeyb galay kullanka, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay aad uga heleen waxyaabihii Soomaaliya ay soo bandhigaty, islamarkaana ay muujiyeen inay filayaan inay Soomaaliya maalgashtaan.

Xubnaha ka socda dalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya carwadaas,  waxaa ka mid ah madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan.