Carwada Todobaad ee Ganacsiga Somaliland oo Hargeysa laga Furay

 

 

Hargeysa(SLpost)- Carwadda ganacsiga Somaliland oo sanad kasta Hargeysa lagu qabto ayaa waxa maanta kalkeedii todobaad laga furay magaalada Hargeysa. Carwaddan ayaa waxa aalaaba soo qabanqaabiya rugta ganacsiga Somaliland iyo shirkadda AOA oo kaashanaya wasaaradda ganacsiga.

Munaasibadda carwada oo sanadkan lagu qabanayo huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay shirkaddo ganacsi o tira badan, meherado iyada oo waliba sanadka ay ishu qabanayso waxyaabo badan oo hido iyo dhaqan ah oo carwadda qayb ka ahaa.

Waxa ugu horayn furitaankii xafladdaas ka hadlay oo furay wasiirka wasaaradda ganaciga JSL Dr. Muuse Qaasim isaga oo ka waramay faa’iidooyinka carwadani u leedahay Somaliland isaga oo si gaar ah u hambalyeeyay ganacsatada iyo waxsoosaarayaasha maskaxdooda wax ka hindisay. “Carwadani runtii way ka duwan tahay carwooyinkii hore oo si weyn baa loo soo abaabulay. Faa’iidooyinkeeda waxa ka mid ah in horta ugu horayn dadku is dhex galo, waxa taa u cadayn ah waxa maanta innala jooga gudoomiyaha rugta ganacsiga ee berriga Afrika, safiirkii Turkiga, rugta ganacsiga ee Puntland iyo madax kale oo kala duwan. Waxa kale oo faa’iidooyinkeeda ka mid ah in dhaqaalaha iyo ganacsiguba horumaraan, iyo in macaamiil badan la helo”

 

Wasiirku waxa uu salluugay oo sheegay in aad badanka lagu soo bandhigin waxsoosaarka dalka waxaana uu yidhi “Waxaad se wali moodaa in wixii waxsoosaarkii maxaliga aynaan aad u keenin. Waxaana aannu sanadka dambe ku talagalnay in aannu aad u soo kordhinno oo dhiirigelino waxsoosaarka dalka”.

 

Waxa kale oo munaasibadda furitaanka ee maanta ka hadlay masuuliyiin kale iyo ganacsato tirobadan iyada oo ay ishu qabanayso meheraddo iyo shirkaddo badan oo ku soo bandhigaya ganacsi aad u qiimo iyo qaayaba badan taasi oo tusaale  u ah horumarka ganacsi ee dalka Somaliland gaadhay mudooyinkii ugu dambeeyay.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office