Carwada Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo Maanta si Rasmi ah loo Furay

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda si rasmi ah uga furmay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeysa International Book Fair) oo sanad walba lagu qabto Hargeysa.

Bandhigga bugaagta ee maanta la daahfuray oo noqonaya sannadkii Lixaad ee la qabto, ayaa lagu soo bandhigaa buugaagta kala duwan oo ay qoreen qorayaasha Somaliyeed iyo kuwa dunida kale kuwaas oo ku qoran luuqado kala  duwan.

Furitaanka Carwadan waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga Md Axmed Muxumed Madar, Safiirka Dawladda Ingriiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Abwaanno, Qoreyaal, Hal-abuurro, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo badan.

Carwadda-buugaagta-4Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo ka Mid ah Qaban-qaabiyeyaasha Bandhigan, ayaa ka warramay ujeedooyinka ay u soo Qaban-qaabiyeen, waxaanu Xusay in Sannadkan ay Qalin-maal tiro badani ka soo qayb galeen Carwada isla markaana ay ka kala socdaan Waddamo door ah oo caalamka ahi. Waxaanu intaas ku daray in Sannadkan ay u Xusheen in Mawduuca laga doodi doono Muddada uu Bandhiggu socdo uu yahay ‘Socdaalka’ Isagoo Xusay in macnaha eraygan oo balaadhan ay uga dhigeen In bartilmaameed iyo ujeeddo qumman loo sameeyo.

SONY DSCWaxa goobtaasi Maanso aad u xiiso iyo murtiba badnayd ka soo jeediyey Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)oo isagu si mug leh u qeexay isla markaan sharraxay qiimaha gabadha Soomaliyeed ay leedahay marka laga eegayo dhinaca dhaqanka iyo sida laysugu tixgaliyo.

SONY DSCBandhigan sanad walba lagu qabto Hargeysa ayaa waxa lagaga hadlaa waxyaaba badan oo ku taxaluqa dhinaca qoraalka, suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal-abuurka.

SOMALILANDPOST.NET