Carruur Walaalo ah oo Dacwad ku oogay Shirkadda Diyaaradaha ee Malaysian Airlines

Kual Lumpur (SLpost)- Laba carruur ah oo u dhashay waddanka Malaysia, ayaa dacwad ka gudbiyey shirkadda diyaaradaha ee dalkaasi oo ay ku eedeeyeen inay dayacday aabahood oo ay ku waayeen diyaarad shirkaddani iska leedahay oo bishii March ee sannadkan la waayey meel ay martay.

jWaa dacwaddii ugu horeysay oo noocaan ah ee laga furo kiiska diyaaradda la waawyey oo ay la socdeen 239 qof rakaab ah oo ka raacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Caasimadda u ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, kuwaas oo wakhtigaas ku sii jeediyey magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Carruurta dacwadda ka gudbisay Malayia Airlines oo ah wiilal da’dooodu ay kala tahay 11 iyo 13 sano jir, waxa ay doonayaan magdhow ay bixiyaan dawladda Malaysia, ciidamada cirka iyo maamulka Shirkadda diyaaradaha, waxaanay dacwaddooda sababta uga dhigeen cidhiidhi nololeed iyo taageero la’aan soo-foodsaaray.

Qoysaska Rakaabka Diyaaradda la waayey la socday oo intooda badani ahaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Shiinaha, ayaa mag-dhow fara-guudkood ah oo lagu samirsiinayo ka helay shirkadda diyaaradaha ee Malaysia, haseyeeshee tallaabada wiilashadani ku dhaqaaqeen, ayaa waddo cusub ku furaysa shirkadda diyaadaha dalkaas oo dawladda Malaysia maamulkeeda gacanta ku hayso.

Sannadkan Gudihiisa, waxa shirkadda Malaysia Airlines soo food-saaray culays iyo dhaqaale la’aan ka dib markii diyaayarad ay leedahay oo siddey in ku dhow saddex boqol oo rakaab ah ku burburtay hawada sare ee waddanka Ukraine, wakhti ay diyaaraddaasi isaga kala gooshaysay magaalooyinka Amsterdam iyo Kuala Lumpur ee waddamada Holland iyo Malaysia.

SOMALILANDPOS.NET