Carro Loogu Talogalay Dhismaha Waddada Wajaale oo Sababtay Isku Dhaca Laba Gaadhi iyo Caqabadaha Wakhtigan soo Wejahay Gaadiidleyda

Gabiley (SLpost)- Gaadhi basaska yaryar ah ee loo yaqaano Noohada iyo gaaadhi dhayne ah, ayaa caawa isku dhacay Jidka u dhexeeya Wajaale iyo kalbaydh.

Isku dhacan labada gaadhi ayaa waxa sida la sheegay sababay ciid loogu talo-galay in lagu dhiso Waddada jayga ah ee Wajaale taas oo markuu roobkii ku da’ay isu badashay Dhiidhi gaadiidka ku keenaysa in Kantaroolku ka lumo qofka darawalka ah.

ciidMa jiraan Wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo shilka ka dhashay, hasayeeshee gaadiidka u kala goosha caasimada Hargaysa iyo Wajaale ayaa aalaaba markuu roobku da’o waxay mari jireen waddada  Jayga ah taasi oo imika lagu dul tuulay ciidda  lagu dhisayo wadada oo wado-jaygii lafteedu la mid noqotay  halkay gawaadhidu ka soo baydheen, iyada oo hay’ada waddooyinka Somaliland aanay u diyaarin meel ku meel gaadha ah oo gaadiidku maro.

Dhinaca kale waxaa iyaduna qayb ka ah caqabadan ku soo cusboonaatay waddada Wajaale shirkada Somcable oo hareerihii waddada ka qoday  Godadkii ay Cableka marinayeen oo markay aaseen iyaguna keenay meelo dhaadheer oo kala godan oo ay biyaha roobku fadhiistaan isla markaana aaanay mari karin gaadiidka yaryar.

Xiligan oo ah xiligii roobku da’i jiray oo gaadiidku mari jireen waddada jayga ah, ayaa  haday sidan sii ahaato waxa caqabad iyo culaysba ku imanayaa isu socodka caasimada Hargaysa iyo Wajaale  isla markaana hadaan wax laga qaban keeni karta khasaare badan.

Hay’adda waddooyinka Somaliland , shirkada Somcable iyo guud ahaan Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal mushkiladdan haysata gaadiidka  Wajaale.

Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus)

Gabiley, Somaliland