Carqaladaha Hortaagan Ka Faa’idaysiga Khayraadka Dalka Somaliland – W/Q: Maxamed Muse

Maalahan u danbeeyay waxa jirtay  in meelaha qaar lagaga hadlayay  khayraadka dalka sida Macdanta iyo shidaalka, taas oo u badnayd eedaymo ay ka mid yihiin, Dalka Khayraadkiisa waa la boobayaa, reer hebel ayaa iska leh, dawladu waxay si khaldan u maaraysay khayraadka dalka iyo waxyaabo la mid ah,  Waxayna hadaladaasi kasoo yeedhayeen shaqsiyaad warbaahinta kusoo qora maqaalo farwaaweyn lagu qoray oo lagu dhaleecaynayo xukuumadda, taas oo keentay in dadka makasta ah rumaystaan, isla markaana ay bulshada qaarkood sameeyaan waxyaabo iyo ficilo ku  lid ah nabadgelyada iyo horumarka, kuwaas oo hakad gelinaya  shirkaddaha danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland.

Maadaama ay arrintani tahay mid saamayn ku leh qaranka waqtigan xaasaasiga ah  iyo mustaqbalkaba waxa loo baahanyahay in si dhab ah loo oggaado sida ay wax uga jiraan eedaymahaa iyo inay yihiin kuwo ku salaysan xaqiiqda.

Aniga oo arrintaa ka duulaya waxaan isku deyay in aan wax ka oggaado sida ay  wax uga jiraan eedaymahaa, balse markaan si dhab ah ugu kuurgalay  waxaa soo baxday wax ka duwan waxa ay ka hadlayaan shaqsiyaadkaasi.

Shaqsiyaadkaa oo doonayay in la siiyo Balokyo waaweyn oo macdan iyo shidaal ah, kuwaas oo aan lahayn awoodii ay ku fulin lahayeen hawshaa, waxa keliya ee ay doonayeen in ay dilaalaan, kuwaas oo ay xukuumaddu ku xidhay in ay soo maraan sifihii sharcig ahaa ayna muujiyaan in ay awood u leeyihiin  in ay ka midho dhaliyaan arrintaa sida sharcig a ah, balse ku guuldaraystay. Kadibna bilaabay sawaxan.
Dacayaadaha ay horseedka u yihiin shaqsiyaadka danta gaarka ah lahaa, waxay hakad gelisay inay kusoo dhiiradaan dalka shirkaddihii awooda u lahaa in ay ka midha dhaliyaan ka faa’idaysgiga khayraadka dalka, halka kuwii dalka ku sugnaana ay shaki gelisay.

Dunidu maanta waxay isku raacsantahay in Somaliland tahay wadanka ugu khayraadka badan aduunka. Jariirada Guardian waxay sheegtay in shidaalka ku jira Somaliland uu ka badanyahay ka ku jira dalalka laysku yidhaahdo Gacanka (Khaliijka carabta), marka laga reebo dalka Boqortooyada Sucuudiga, balse marka lagu daro Macdanta ku jirta Somaliland ay suurta galtahay in Somaliland ka qanisanaato wadamada Khaliijka, taas oo muujinaysaa in khayraadka dalka ku jiraa uu ka badanyahay Jiil ka Jiil oo ka dhigayo Bulshada Somaliland kuwa ugu qanisan Aduunka.

Hadaba khayraadka intaa leeg oo Somaliland oo dhan ku filan haddii loo bixiyo Baloodh baloodh sida ay shaqsiyaadkaasi doonayeen, ama codsadeen, waxay noqonaysaa in dhawr qof uu gacanta u galo, amma shaqsiyaad kooban gebi ahaanba khayraadka dalku , taas oo aan dani ugu jirin dadweynaha iyo deegaanada u dhegtaagaya ee ay dantooda gaarka ah doonayan in ay ku fushadaan.
Si hadaba looga faa’idaysto fursada maanta ay Somaliland haysto iyo khayraadka dihin ee ku jira dalka, isla markaana looga gaashaanto shaqsiyaadka danta gaarka ah u adeegsanaya deegaanada waxa hadaba lagama maarmaan ah.

In dawladu dar-dar geliso wacyigelinta iyo xidhiidhka deeganada.

2-   In mudanayaashu aanay noqon kuwo waxyaabaha ay tabanayaan  u mara wado khaldan oo si dadban ugu adeegaysa dilaaliinta aynu kor kusoo xusnay.

3-   Warbaahinta waxa looga baahanyahay in ay fahmaan saamaynta qadiyadani u leedahay dadka iyo dalka horumarkiisa. Sidaa awgeed ay ka waantoobaan baahinta qoraalada  lagu doonayo in lagu helo sed baalmarsan sharciga iyo nidaamka dalka.
Maxamed Muse
Hargeysa Somaliland.
Maxmuse12@gmail.com