“Caqabaduhu way iska jiri karaan, laakiin si aanu hannaankaasi u kala go’in, waxa loo baahan yahay in doorashooyinkuna ay noqdaan kuwo wakhtigooda lagu qabto”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sheegay in Somaliland ku guulaysatay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda balse ay jiraan caqado ku gedaaman oo uu sheegay in lagaga bixi karo iyada oo la hirgeliyo waxyaabaha horseedka u ah dhammaystirkeeda, kuwaas oo ka tilmaamay inay ka mid yihiinn doorasho xilligeeda ku qabsoonta iyo diiwaan-gelinta muwaadiniinta codkooda dhiibanaya oo layska kaashado dhammeystirkeeda.

CIRROGuddoomiye Cirro Waxa uu sidaas ka sheegay mar uu  ka hadlayey munaasibad ay soo-qaban-qaabisay Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo bandhigay natiijada daraasad in muddo ah ka socotay gobollada dalka.

 

DAAWO