Caqabadaha Waxbarasho ee ay Wajahayaan Caruurta Naafadaha ah

 

Sahanka Xogta Caafimaadka iyo Dadyowga ayaa soo bandhigtey xaaladda waxbarasho, caafimaad, nabadgelyo iyo horumar ee Somaliland. Heerka waxbarasho ee dadweynaha Somaliland ayaa laga arkaa in uu kor u kacayo, iyada oo ay muuqato in da’yar badan ay fursad u helayaan waxbarasho illa dugsi sare. Inta dugsiyada hoose/dhexe dhigata ayaa tiradoodu sii kordhaysa. Hadaba, waxa ay xogtani hilmaantay in ay si hoose u eegto dadka naafada ahi inta ay ka yihiin koradhkan iyo horumarkan waxbarasho ee ay bulshadeenu gaadhay. Ma cada tirada carruurta naafada ah ee dugsiyada dhigata. Hase yeeshe, sida ay tibaaxayaan baadhitaanada caalamiga ahi, tobankii caruur ah ba, ee gaadhay da’da waxbarasho, hal mid uun baa fursad ka hela marka la joogo qaarada Afrika. Waxa suurtgal ah in Somaliland ay halkaas ba ka hooseyso, oo ay dhici karto in labaatankii ama in ka badan, hal arday oo naafo ahi dugsi ka aado. Sababtu waxa ay tahay iyada oo aynu ognahay in goobaha waxbarasho ee haatan jira, kuwa dawli ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, aanay ahayn kuwa u diyaarsan in ay waxbarasho u fududeeyaan qof naafo ah. Sidoo kale, bulshada Somaliland oo ay haynteedu iska kooban tahay, una badan dad sabool ah, way ku adagtahay in ay tahlaan in qalab iyo agab dheeri ah oo caawiya carruurta naafada ah la diyaariyo.

Caruurta waxyaabaha naafada ku keena waxa ugu mudan cuduro ay ka mid yihiin dabaysha. Cudurkani waa mid laga hortagi karo haddii la raaco habka loo dejiyay in caruurta loo talaalo intii aanay gaadhin laba sano. Haatan, caruurta Somaliland in ka yar 15% ayaa dhamaystay talaalada dabaysha (Afar talaal). Taas waxa ay ku tusaysaa in dhallaan badani khatar ugu jiraan in ay haleesho cudurkaas dabayshu, oo keeni karta naafonimo. Sidaas awgeed, waxa mudan in hoos loo eego siyaasadda talaalka iyo diyaarinta goobaha waxbarasho in ay tahli karaan in ay caruur laxaad la’ waxbari karaan. Somaliland horumar wayn ayay ka samaysay helista iyo diyaarinta barnaamijyo talaal, oo mid ilme kasta loo heli karo. Hase yeeshe, dhibtu waxa ay tahay wacyiga iyo u hagar bixidda in aqoonta tallaalka iyo adeega laftiisa la fidiyo, oo la wada gaadho bulshada.

Xogta SLDHS , ayaa tilmaantay in dadka laxaadka la’ ee da’doodu u dhaxayso 10-14 jir ay naafoobeen intii ay ka yaraayeen 5 jir ba. Dadka araga iyo maqalka la’ ayaa u badan kooxdan laxaadka beeshay markay yaraayen. Xiligaas oo ah xilliyada dhalaanka loo diyaariyo in goobaha waxbarashada ku biiraan. Taasi waxay ku tusinaysaa sida ay muhiim u tahay in goobaha waxbarashada loo diyaariyo in ay daboolaan baahiyaha gaarka ah ee ubadkaas naafada ah. Halbeegaasi waxa uu ina tusayaa in dhammaan carruurta u diyaarka ah in ay dugsiyada bilaabaan ay ugu yaraan 5% yihiin kuwa laxaadkoodu kala dhinnaan karo, una baahan in si gaar ah wax loo baro, loona fududeeyo sidii ay dugsiyada u aadi lahaayeen.

Sida la wada ogyahay, carruurta naafada ahi ma helaan adeegyo xaddidan, oo waxa ay la kulmaan faquuq aan kala go’ lahayn (Amnesty, 2015). In kasta oo ay adag tahay in la helo tirakoob sax ah oo ku saabsan carruurta naafada ah ee reer Somaliland, Tomlinson & Abdi waxay sheegeen in dadka naafada ah ay la kulmaan caqabado iyo dhibaatooyin badan oo xagga helitaanka adeegyada bulshada ah. Adeegyadaas waxa ugu horreeya waxbarashada, oo noqon lahayd meel ay dadka naafada ahi ay ka heli lahaayeen horumar iyo hiigsi ay ku badalaan wajiga noloshooda, kuna burburiyaan dabarrada bulshadu hor dhigtey.

Xagga kale, boqolkiiba-kow-iyo-konton (51%) ayaa iyagu laxaad beelay intii ay da’doodu u dhaxaysay 30-39 jir. Kooxdan dambe waxa ay u dhawdahay in ay yihiin kuwa ay masiibadani haleeshay xiliyadii dagaalladu ka socdeen dalka. Sidoo kale, waxa iyana muuqata in badan oo dadkan ka mid ahi ay ku naafoobeen hadhaagii walxaha qarxa ee uu dagaalkii iyo duqayntii arxan-darrada ahayd ee kelitaliskii Maxamed Siyaad Barre kula kacay dalka. Waxa iyana meesha ku jirta in dad door ahi ku naafoobeen shilalka waddooyinka ka dhaca, oo aad moodo in uu sii badanayo, marka la eego warbixinada sannadlaha ah ee Ciidanka Booliska bixiyaan. Tani iyana waxa ay ina tusaysaa sida ay lama dhaafaan u tahay in goobaha waxbarashada Jaamacaduhu ugu diyaargaroobaan in ay daboolaan baahiyaha waxbarasho ee shicibka naafada ah.

Helitaanka waxbarashadu waa caqabadda ugu weyn ee haysata ilmaha naafada ah ee ku nool Somaliland. Carruurta naafada ahi fursad uma helaan in ay la joogaan carruurta kale, oo ay wax la bartaan. Axdiga Caalamiga ah ee Xaquuqda Carruurtu (CRC) waxa uu ku boorinayaa dowladahu in ay dhammaanba carruurta siiyaan waxbarashada aassaasiga ah oo bilaash ah, oo waliba khasab ah, iyadoon lakala sooc sooceen carruurta (Qodobka 28). Waxa ay sidoo kale qeexaysaa mabaadi’da ka hor tagaysa in adeegyada waxbarashadu ka eexdaan caruurta baahiyaha gaarka ah leh, taas oo carruurta naafada ah xaq u siinaysa in ay helaan waxbarasho la siman ta ay helaan carruurta kale .

In kasta oo ay taasi jirto, haddana maqnaanshaha manhaj loo dhan yahay iyo barbarin aan eex ku dhisnayn iyo waliba ciqaabta, xoogsheegashada iyo xadgudubka ka dhaca iskuullada, carruurta naafada ahi ma tahli karaan in ay helaan xaquuqdooda waxbarasho. Inta badan iskuullada Somaliland ma laha xarumo iyo agabyo sida macalimiin tababaran iyo tiknoolajiyad caawisa carruurta naafada ah. Qaababka loo dejiyay in carruurta naafada ah wax lagu baro sida ‘luqadda calaamadaha, ‘Braille’ iyo qalabka maqalka’ wali waxbarashada Somaliland horumar wayn lagama samayn . Nidaamyada imtixaanku na si dhif ah ayey ugu habboon yihiin baahida gaarka ah ee shaqsiga naafada ah.

Takooriddu waa caqabad weyn oo haysata carruurta iyo dhallinyarada naafada ah ee reer Somaliland, taasi oo ka dhalata cuqdad, dayac iyo kala soocid Turnbull, iyo al. iyana waxa ay carabka ku adkeeyay in takooridda la xidhiidha naafada ay inta badan ku xad gudubto xuquuqda aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay ahayd in loo caddaalad sameeyo. Takoorku wuxuu horseedaa xaqiraad, wuxuuna xoojiyaa fikradaha xunxun ee laga qabo dadka naafada ah. Rachel Burr waxay kaloo sheegaysaa in naafonimadu badanaa keento takooridda carruurta. WHO iyo Bangiga Adduunka waxa ay iyana sheegeen in carruurta naafada ahi badiyaa bartilmaameed looga dhigto xoogsheegasho, ciqaab jireed iyo ceebeyn dugsiyada ka dhex dhacda, taasi oo u horseedeysa in ay yaraadaan ardayda naafada ah ee u gudbaysa dugsiga sare .

Maxaa innala Gudboon?
Qofna looma faquuqi karo xaalad ku timid sida naafnimo. Qofka naafada ahi waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nolal la mid ah qof kasta oo kale oo Somaliland ku nool. Diinta iyo dhaqanka wanaagsani ba waxay jideeyeen in wanaag iyo dabacsanaan lagula dhaqmo aadamaha oo dhan. Haddii xuquuqaha iyo baahiyaha gaarka ah ee dadka naafada ah aan wax laga qaban, horumar kasta oo Somaliland gaadhaa waa dheelli, ma na dhamaystirmayo. Waxa mudan in si mug leh loogu kaco baabiinta takoorka, faquuqa iyo tacadiyada lagula kaco dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay. Deddaal kasta oo la rabo in lagu xaqiijiyo xasillooni, wada noolaansho iyo horumar waa tacab-khasaar haddii aanu tixgalinayn xaquuqda iyo baahiyaha naafada.

Waxan fursad u helay in aan maamulo mashruuc loogu talogalay in lagu horumariyo xuquuqda dadka naafadaha iyo ururadooda, oo ay hirgalisay haayadda Handicap International sanadkii 2012. Xiligii aan maamulayay mashruucan, waxa suurtagashay in aan hoggaamiyo siyaasaddii ugu horreysay ee loogu talo galay in lagu horumariyo nolasha dadka naafadaha ah ee Somaliland (Somaliland National Disability Policy). Waxa nasiib u helay in uu saxeexo Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee siyaasad u sameeyay dadka naafada ah. Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo hirgaliyay siyaasad kale oo lagu xoojinayay in loo fududeeyo dadka naafadaha ahi in ay geli karaan gebi ahaanba dhismayaasha. Sanadkii 2014 ayuu Madaxwne Siilaanyo wareegto, tirsigeedu na yahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 (Disability Service Act), ku meel mariyay in dhamaan dhismayaasha dantaguud iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in ay noqdaan kuwa u fudud dadka naafada ah. Dallada ururada naafada ah (SNDF) ayaa iyana qayb libaax ka qaadatay hirgelinta wareegtadan, oo mudo dheerba daba socotey dawladda. Qaraarkan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dadka naafada ah, una baahan in la is garab taago fulintiisa. Daneeyayaasha xaquuqal iinsaanka iyo diraneyaasha arrimaha bulshaduba waxa waajib ku ah in ay faafiyaan warka wareegtadan, una istaagaan in ay u hiiliyaan dadka naafada ah.

Gunaanad
Si loo xaqiijiyo bulsho wadajirta, oo fayow, waxa habboon in la dejiyo siyaasad qayb kasta oo bulshada ka mid ahi ay danteeda ka dhex arki karto. Adeegyada bulshada hadda ka jira Somaliland wa in ay ka jawaabaan arrimaha ka hor imanaya carruurta naafada ah. Qoraalkani waxa uu tilmaamay in adeegyada kala daadsan ee hadda jira aysan si xeeladeysan wax uga qabanayn caqabadaha muhiimka ah ee hortaagan carruurta naafada ah. Arrimahani waxay u dhexeeyaan helitaan la’aanta adeegyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, hawlaha maddadaalada carruurta, xadgudubyada jidhka iyo shucuurta, iyo takoorka baahsan. Waxa la rabaa in kor loo qaado wacyiga xuquuqda aadanaha ee carruurta naafada ah. Waxaa jira calaamado muujinaya in inta badan barnaamijyada caalamiga ah aysan gaadhin carruurta naafada ah ee ku sugan meelaha baadiyaha ah iyo xeryaha dadka gudaha ku barokacay.

Saboolnimada iyo caqabadaha dhaqaale ayaa ah kuwa iyana sii cakiraya xaaladaha qalafsan ee carruurta naafada ah ee ku nool Somaliland. Dhammaan ba caqabadaha ka dhasha kala-daadsanaanta adeegyada marka lagu daro caqabadaha ka dhasha nugeylka ay keento saboolnimadu, carruurta naafadu waxay u badan yihiin kuwa aan helin waxbarasho dhammaystiran. Tani waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa noloshooda qaangaarnimada ee caruurta naafada ah .

Ugu dambeyntiina, doodaha ku jira qoraalkan ayaa sidoo kale tilmaamaya in carruurta naafada ah ay halis ugu jiraan dayac baahsan xilliyada xaaladaha adagi ka jiraan waddanka, sida xilliyada abaaraha, barakaca iyo colaadaha ka yimaadda isku dhaca qabiillada. Waa xilliyada ayay u badan tahay in carruurta naafada ahi wajahaan baahiyo adag, ayna dhici karto in xaaladahooga caafimaad sii adkaadaan. Iyada oo ay yartahay marka horeba in ay helaan agab caawiyeyaal ah oo ay ku maareeyaan caqabadaha bulshada kaga yimaadda, ayaa hadana marka ay masiibooyin dhacaan, sida daadka, abaaraha, colaadda iyo hayaankuba, xaaladoodu sii cakirantaa.

Si loo garab istaago, loona kobciyo garaadka iyo wacyiga bulshada ee ku wajahan naafada guud ahaan, gaar ahaan carruurta, waxa habboon in saxaafadda, mareegaha bulshada iyo daneeyayaasha arrimaha bulshadu ay si mug leh u fidiyaan wacyigelinta iyo waanooyin ku wajahan dhawrista iyo ilaalinta xaquuqda naafada. Dawladda waxa la gudboon in ay meelmariso siyaasadaha hore loo ansixiyay, iyada oo u beddalaysa sharciyo iyo barnaamijyo taagera dadka naafada ah. Sidoo kale, waxa iyana haboon in la helo xog buuxda oo muujinaysa xeerka waxbarasho ee da’ yarta naafada ah.

Kala xidhiidh:
ahmed.nmuse@gmail.com
+252 (0) 634767614