Cambaareyn iyo codsi is-casilaad Deg-deg: Md. Dahir Riyaalle Kaahin

(Soomaalidu waxay  tidhaahdaa–Ilayn  adhigu Qulux  Quluxda kama ilbaxo—Dahir Riyaalle miyaanu  ka ilbixin afarta  hareero fadhiya —oo ogayn in ay yihiin kuwii riday)

 INOOGU QAYBIYA XISBIGA  UDUB-  URURKA  DIMUQRAATIGA(UD)   IYO  UMMADA BAHAWDAY (UB), QOLABA INAY JECESHAHAY HA QAADATO”

Waxaa runtii wax laga naxo ah–laga xishoodo—  sharaf dhac iyo Dictatooriyadna ah  hadaladii ka soo yeedhay Md Daahir Riyaalle Kaahin , Madaxweynihii hore ee Somaliland, oo xilligan ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ,05 June 2012 ,mar uu gurigiisa Shir jaraid ku qabtay,isagoo ka hadlayey Go,aankii Maxkamada Sare iyo sida uu u arko mustaqbalka Xisbiga UDUB ee uu Gudoomiyaha ka yahay Xilligan:

Haddaba waxaa si nasteexo leh ugu sheegayaa Md.Daahir Riyaalle Kaahin   qodobadan hoos ku qoran:-

  1. Md. Daahir Riyaalle waxaan  si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqdo iska-casilaada Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waa sida kuu sharaf badan,waa sida ay UDUB ku badbaadi karto, waa sida u wanaagsan dhamaan bahweynta UDUB .
  2. Md. Daahir Riyaalle Kaahin –UDUB waxaad ku gaadhay/ ku noqotay Madaxweyne ku Xigeen iyo Madaxweyne—waad ka xoogsatay oo ka xoolaysatay —ee maxaa  derajo kuugu hadhay oo aad ka doonaysaa, marna ha ku fekerin in aad mar kale ku soo noqoto Madaxweynenimada.
  3. Md.Daahir Riyaalle Go,aanka Maxkamada Sare sidii aad doonto uma macneysan kartid,ee Maxkamada ayaa  macnaysay,ee waa in aad u hogaansantaa.
  4. Md.Daahir waa in aad fahantaa in aadan weli ahayn Madaxweyne,ee aad tahay Gudoomiye Xisbi Mucaarid ah, mana lihid awood aad Xisbiga cidii aad doontana ka eryi karto cidii aad doontana aad ku darsan karto.
  5. Md.Daahir kuwa ku hareero fadhiyaa waa kuwii  ku riday,ee kaa tuuray Madaxweynanimadii aad haysatay,mana filayo in ay dib Madaxweyne kuugu celin karaan,waa kuwii u sabab ahaa guul daradii UDUB ku dhacday Doorashooyinkii Madaxtooyada ee ugu dambeeyey,haddana waxba kugu tari maayaan ee iskaga fogoow.
  6. Md.Daahir Riyaalle  waxaa  fiican in aad iska ilowdo hanjabaadaha aan  meela haysan ee maalin kasta oo aad hadasho aad ku celceliso,waxaana kuu sharaf badan in aad ku ekaato wixii Xeerka Xisbigu kuu ogol yahay oo keliya.
  7. Md.Daahir Riyaalle miyaadan ogayn in dhamaan Xafiisyadii Xisbiga UDUB ay xidhan yihiin,miyaadan  ogeyn in aad weyday Xafiis keliya oo UDUB leedahay oo aad Shir Jaraaid ku qaban kartaa –kana door biday in aad Gurigaaga maalin walba ka soo hadasho- meeday UDUB-ta aad ka hadlaysaa xagee bay joogtaa ?

Ugu dambayntii Md. Daahir Riyaalle Kaahin yaa xibin firfircoon  oo Xisbiga UDUB ah   “  Ma adiga oo 2 sanadood ee ugu dambeeyey  Paris ku noolaa oo aan bixin   hal  dollar  oo qaadhaankii UDUB ah,mise waxaa xubin firfircoon ah Jamal Cali Xuseen oo  UDUB siiyey    saddex boqol oo kun oo dollar oo lagu howl geliyo Xisbiga UDUB” runtii waa wax lala yaabo  sida aad u taqaan xubin firfircoon”

Hadal iyo dhamaan Md.Daahir Riyaalle  loo kala tegi mayo UDUB,mana jirto cid aad ka eryi kartaa ,ma jirto cid meel kale aadaysaa ee soo qaado Majarafadaa oo dumi intaada”

ALLAA  MAHAD LEH

Abdi M .Saleiman(Mingiste)

Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB