California oo Laga Sharciyeeyay in Bukaanku is Dili Karo

California(SLpost)-Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku biiray gobolada kale ee ogolaaday in si sharci ah ay dhakhaatiirtu ugu fududayn karaan in nafta laga qaado ama uu iska qaado bukaanka qaba xanuuno aan la dawaynkarin.

Gafernatoore Jerry Brown ayaa saxeexay sharcigaasi Isniintii hore.

Sharcigan waxaa dhiirigaliyay dhacdo la xidhiidha haweenay qabtay xanuun aan la dawayn karin oo ku noolayd California oo aaday Oregon si ay si sharci ah isugu disho.

24 gobol oo dalka Maraykanka ku yaala ayaa sanadkan soo bandhigay sharciga dhigaya in qofka lagu caawiyo in uu dhinto, laakiin midkoodna kama dhaqan galin.

Waxa ay ku sheegeen dhaqdhaqaaqa xaqa uu qofku u leeyahay in uu dhinto ayaa taageero ka helay California kaddib markii Brittany Maynard, oo qabta Kansar kuna noolayd gobolkaas ay u wareegtay Oregon si ay si sharci ah nafta isaga qaado.

Qoyskeeda oo ay ka mid tahay hooyadeed Debbie Ziegler, ayaa sheegay in ay taageersanyihiin sharcigaas cusub.