Cali Xoor-xoor Muxuu Ka Yidhi Doorka Ganacsade Boore Uu Ku Leeyahay Heshiiska Dubai?

Hargeysa, (SLpost)- Maareeyaha dekeda Berbera Cali Cumar Xoor-xoor ayaa ka hadlay nooca heshiiska ay xukuumadda Somaliland lasoo gashay dawladda Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha dekeda Berbera.

Cali Xoor-xoor waxa uu meesha ka saaray inuu ganacsade Cabdiraxmaan Boore door ku leeyahay heshiiska Somaliland Imaaraatka Carabta.

Mareeyaha dekeda Berbera oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Toban sannadood oo aanu raadinaynay cid maal-gelisa oo horumarisa dekeda Berbera waa qoladii ugu dhaweyd, waxaananu doonaynaa 20 laabkeed inay soo saarto inta ay maanta soo saarto. Sidoo kale waxaanu doonaynaa faa’iidada ay soo saarto 30 laabkeed inay soo saarto, waxaanu doonaynaa inaanu meeqaam sare gaadhsiino dekeda Berbera oo ay noqoto meel ay geeska Afrika oodhami ka dukaamaysato.

“Heshiiskana waa heshiis hordhac ah, qodobo badan oo muhiimana waanu isla gaadhnay, heshiiskii waynaana wuu hadhsan yahay.”

  • Heshiiska waxa ka mid ah marka uu sidaa u dhaco waxay bilaabayaa dhismaha deked cusub.
  • Waxa ka mid ah in guud ahaan labada dekedood la wada yeesho oo la wada maamulo, Somaliland-na dhaqaalaha ugu wanaagsan ay ka qaadato.

Heshiiskan weli lama saxeexin, laakiin marka heshiiska si rasmi ah loo saxeexo wuxuu noqon karaa sannado badan, waayo heshiisyada noocani waa heshiisyo waaweyn.”

Waxa kale heshiiska ku jira dhisitaanka wadada ama mashruuca Berbera Corridor,  oo ah wado dhererkeedu ka badan yahay 300 oo kiiloo mitir.”

Cali Xoor-xoor ayaa sidoo kale meesha ka saaray inuu door ku leeyahay heshiiskaa ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boore, waxaanu yidhi. “Anagu Dubai Port baanu heshiis lasoo galnay ama aanu lagalaynaa oo aanu la wadnaa Cabdiraxmaan Boore meel heshiis lagula galay iyo meel dawladda kula shiray anigu ma ogi”

 

Hargeisa Office