Cali Sugule Dun-Carbeed: Halgamaaggii Aan Hadh-Gelin W/Q: Axmed Nuur Guruje

Alle ha u naxariistee, Abwaan cali sugule dun-carbeed, wuxuu ahaa Abwaan, hal-abuur iyo suugaan yahan, afka iyo aqoonta maansadda ku talax tagay oo Ku feel-dheeraa.

Dhinaca kale, abwaanku wuxuu ahaa, halgamaa aan weligii ka hadhsan kana nasanin, u dagaalanka, cadaaladda, sinaanta, maamul wanaagga iyo la dagaalanka dulmigga iyo maamul xumidda afrika la hadhay.

Marxuumku waayihiisa suugaaneed oo ahaa kuwo uu hidaysanayay oo qoyska uu ka dhashay caan ku ahayeen, wuxuu kasoo bilaabay, dugsigiisii hoose iyo caruurnimadiisii. Ereyaddii suugaaneed ee ugu horeeyay ee cali sugule lagga maqlay, waxay ahaayeen, iskuulkii sheekh lagaga eryay shoobaro ay saaxiibaddii usoo jeediyeen, lkn ay kagga baxeen.

Cali sugule, iskuulkii markii lagga eryay, ayuu saaxiibaddii ku yidhi, sanduuqa magaaladda ila gaadhsiiya laakiin way ku diideen iyagoo ka cabsaday in kaggu qabsado, ka dibna wuxuu yidhi

Soomaaliddu waa suntii hargahoo,

Ninkii saddo haysta way ka saari jirtee,

Saaxiibadayoow intoo I sababteen,

Sanduuqiina ma ila qaaddi waydeen.

Cali sugule markaa ka dib, wuxuu kaalin wayn ka qaatay, halgankii gobonimo doonka, waxaanu ahaa abwaanaddii horkacayay, kicintii shacabka.

Heesihii xornimo doonka waxaa ka midda heesta uu ku luuqeeyo, maxamed Axmed kuluc, ee ay ka mid ahaayeen,

Guunyadda loddu way u garaad darantoo,

Gaajiyo ma ogola haraad gelina,

Hadaan la gunaynin looma galo,

Gaydhiyo usha way ka gubataa.

Siddoo kale wuxuu ka ka hor yimi, dawladihii soomaaliya, ee lasoo dooran jiray, oo uu ku dhaliili jiray, qabyaalad iyo musuq maasuq.

Dhinaca kale, wuxuu dagaal wayn kala horyimi, taliskii kacaanka oo uu si wayn uga soo hor jeestay, waxaanu in badan ku mutaystay xadhig iyo cadaadis.

 Geesta kale, wuxuu kaalin wayn ka qaatay, koncinta afka, suugaanta iyo ilbaxnimadaa masraxa soomaaliyeed.

Cali sugule wuxuu ahaa faylasuuf aqoon wayn u leh afka iyo suugaanta carbeed, iyo dhaqanka iyo sooyaalka soomaaliyeed, suugaantiisuna waxay dhabaha u jeeday, shaac bixii fanka casrigga ah ee soomaaliyeed, kaasoo kobcontiisa iyo kaalin gelkiisaba uu kaalin wayn ku lahaa.

Alle ha u naxariistee, cali sugule wuxuu ahaa, iftiin wayn oo ifkiisa si wayn loogu reeyay, geeridiisuna waxay ka dhigan tahay, dayax madoobaad.

Inaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun