“Cali Khaliif Waa Nin Somalilander ah ee Waxaan Leeyahay…”La-taliyaha Madaxweynaha ee Gobollada Bari

 

 

Hargeysa(SLpost)-La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, oo uu dhalay mid kamida hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee ugu caansan gobollada bari, ayaa ka war bixiyey halka ay marayan howlaha nabaddeynta Gobollada uu ka soo jeedo ee Sool iyo Sanaag, isla markaana uu madaxweynaha la-taliyaha uga yahay.

 

Eng. Garaad Cabdinaasir oo todobaadkan u waramay Warbaahinta Dawladda, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyey qorshaha horumarinta Gobollada bari, iyo in guul laga gaadho khilaafka muddada dheer soo jiitamayey ee la xidhiidha arrimaha Siyaasadda.
Waraysigan lala yeeshay Garaadka oo ah mid dheer, ayaa waxa kale oo uu kaga waramay arrimo badan oo door ah, sida taariikh nololeedkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha dalka.
waxa kale oo uu soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii horumar looga gaadhi lahaa kala qaybsanaanta iyo qadiyadaha ma dhalayska ah ee ay wali gacanta kula jiraan hogaamiyeyaasha ka soo jeeda Gobollada uu ka soo jeedo, isagoo carabka ku balaadhiyey abaabulka Siyaasaddeed ee uu Cali Khaliif ka wado Sool iyo Buuhoodle. Garaadka ayaa dhaliilay mabaadi’da Cali Khaliif ku socdo, isagoo caddeeyey inaanay jirin haba yaraatee wax ku khasbaya ku dhegsanaanta fikirka Somaali-weyn.