Cali Guray Oo Taageero u Muujiyay Wasiir Xaglatoosiye oo U Awood Sheegtay Cali Khaliif

SAFARKII WASIIRKA CAAFIMAADKA
Anigu mucaarid baan ahay lakiin hore waxa la iiga qoray ” ninkii odaygaa aanu saaxiibka ahayn irbad dun u gelinayaa aniga wuu iga nabadgelayaa” Beentayna may ahayn oo qofka Madaxwaynaha Somaliland wax u tara waxan aamin sanahay inu yahay qof dalkana wax u taray waayo waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah oo Somaliland waxa u dan ah ayaa Madaxwaynahana dan u ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Allaylehe intu si fiican Buuhoodle uga hoobaleeyay ayaan caabi ka raacin ilayn waa ragii hoobalayn jiraye.
Safarka wasiirka qof kasta oo muwaadin Somaliland ihi wuu ku faraxay lakiin waxa si uga wada naxay Gudoomiye xigeenka wakiilada, Xildhibaan Dhakool iyo odaygii Cali Khliif oo isaga uu wasiirku ugu galay godkiisii qorshihii uu watayna si dhib yar oo nabadgelyo ah uga kala tuuray.
Wasiirka Caafimaadka waxan u qirayaa inu xilkii wasaaradiisa si fiican u gutay oo tuulo kasta oo Somaliland ah is dhex taagay oo isaga laftiisu soo taabtay baahiyaha jiray ee dhinaca caafimaadka hadana si cadaalad ah intii uu karayay wax uga qabtay isaga on eex iyo qaraabo kiil iyo musuqmaasuq midna lagu xaman.
Waxaa taa u dheer halka uu ka taagan yahay khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeyay Somaliland iyo beelaha bariga iyo Buuhoodle oo isaga laftiisu ka soo jeedo. Run ahaantii cid kasta oo nabadgelyada,midnimada iyo wada jirka, iyo weliba horumarka Somaliland jeceli kaalinta uu ka qaatay iyo dadaal kiisaba waa loo wada qushuucay.
Wasiirka Caafimaadka waxan qirayaa isaga oo halkii laga dhiiri gelin lahaa dagaalku kaga socdo xukuumadda uu ka tirsan yahay dhexdeeda inta ay isku haybta yihiin ee sida gaarka ah ugu cindan Madaxtooyada oo dhamina ay geeska geliyeen uu hadana sutuda u wada qabtay isaga oo cid ka hiilisa mooye inta u hiilisaa ay faro ku tiris yihiin oonay weliba hoos mooyee kor u hadli karin haday ay kor u hadlaana weerarka kooxda Baashe iyo Dhakool saaran yahay.
Waxan aad uga mabsuuday isaga oo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee ku dhiiraday inu si toos ah uga hor yimaado IS XAMBAARKA ay beelaha barigu ku lumiyeen intii badnayd saamiga kuraasida ay ku lahaayeen Golaha Wakiil wixii ka dhacayna waaba tii la ogaa.
Waxa si qaawan oo fool xun markiiba u weerary Gudoomiye xigeen Wakiilada iyo Xildhibaan Dhakool oon waxba ula hadhin hadana shakhsiyadiisa mooyee aan shaqadiisa iyo ragonimadiisa iyo kartidiisa iyo xataa aragtidiisa midna aan durin waxna ka sheegin.

Hadaba waxa wax lala yaabo ahayd Xildhibaan Dhakool isaga oo ah Wahaabi dhoor leh oo hamigiisa ugu wayn iyo inta cilmigiisu gaadhaaba ay aduunyo ku kooban tahay oo madaxnimo iyo lacag uun u waashay uu u hadlo sidii qof isagu Ilaahay ka xiga ama uga dhaw Wasiirka waase cilmi gaab kitaab yare ah iyo kaskii. Ilaahay looguma kala dhawa sida loo kala beenaalaysan yahay ee loo kala khaayinsan yahay. Adoonka iyo Allihiisana xidhiidhka ka dhexeeyaa waa xidhiidh toos ah oon ahayn sida ka dhexeeya adoomihiisa dhexdooda oo looma kala sheekeeyo, adoon kastana shar iyo khayr wixii uu kasbaday maalinteeda waa la kulan siin.
Islaamnimada saxa ihi waxay ina faraysaa walaalkaa waani ceebtiisana astur ilaahay ceebaheena ha asturo eh.
Waxad arkaysaa dad iyagu wanaaga oo dhan isa siiya xumo oo dhanna qayr kood uga taga. Inta maanta Somaliland ugu beenta badan ee ugu khiyaamada iyo kharbudaada badan ee ugu boobka iyo xatooyada badan ee weliba madaxda ah mid keliya oo qaadka cuna ama sigaarka cabaa ma jiro waanay ku caayaan qayr kood.Aniga xagayga waxa ka fiican oo ilaahay uga dhaw kuwa inta ay igu xalaashadeen ee xumaan iyo xaaraan ah ka reeban ee hadii ay doonaan jaadka iyo sigaarka oon ilaahay midna xaaraan ka dhigin ee iyagu ka dhigeen caadaysta haday iskaba daayaana ay khushi gooda tahay. Waxa ka xun kuwa iyaga oon maal agoomeed bixinayn oo beenta iyo khiyaamada iyo wacad la’aanta xalaashaday haday madax yihiina dulmiga iyo cadaalad daradu ay diin u tahay ee hadana iyagu cid ku caaya khamriguu cabaa jaad kuu cunaa sigaar kuu cabaa “waa maroodigu takarta isaga saaran ma arko eh tan ka kale saaran buu arkaa”. Qofka aniga aan been ii sheegayn beena iga sheegayn
hadii aan aamino i khiyaamayn nayn wacadka aanu wada galo oofinaya een ka baxayn een wanaag iyo wax tar mooyee wax yeelo ii lahayn oo qof naxariis leh oo aamin ah yahay haduu khamri cabo waano iyo duco ayuu igu leeyahay laakiin isaga ayaan kaga kalsoonahay kan hadlaya ee beenta sheegaya, la aaminayo ee wax khiyaamaynaya ee wacadka uu galo aan oofin ee ka baxa. Hadii uu khamiis ii qaato uu salaadda tukado aniga maxaa iga khuseeya isaga iyo Allihiisa eh anigu waxan aamini karaa kaa khamriga caba. Waar gaalka aanan been iyo khiyaamo iyo wacad darro midna ku arag ayaan kaga kalsooni badanahay kuwan wadaada isku sheega qaar kood waayo gaalku waxa axdi noo ah “QULYAA AYUHAL KAAFIRUUN”,hadaanu ii soo dhaafayn haa balse kuwan aad moodo inay diintuba u tahay mihnad ama xirfad shaqo sida injineer nimada, dhakhtarnimada, iyo wastaad nimada iyo nijaaradda xaalkooda Alleh ha inooga sahalo. Cali Jaamac Habiil AHN waxa laga hayaa:
MUSLINIMO NIN KAAN KUGU DHA AYN MUUMINIMO KHAAS AH
GAAL MAXASTA KUU DHAWRA OOD MAGANSATAA DHAAMA
wa bilaahi tawfiiq
Caligurey