Cali Guray oo Naqdiyey Jawaabtii Madaxweynaha ee Musharaxnimadiisa Iyo Saamaynteeda Xisbiga

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha saddexaad ee Ucid, Cali Guray ayaa falanqayn ku sameeyay sababta madaxweyne Siilaanyo uga muquurtay inuu caddeeyo inuu yahay musharaxa Kulmiye ee madaxtinimo iyo inuu tanaasulay. Waxa uu Cali Guray ku dooday inay sababtu noqoto in madaxweynuhu dhawrayo khilaafka cakiran ee qaybaha Kulmiye iyo xukuumadda ka dhex jira ee ku salaysan loolanka musharaxnimada hogaanka Kulmiye.

 

 

Madaxweynaha Somaliland shalay su’aal lagu waydiiyay madaarka Hargeysa oo nuxurkeedu ahaa inuu musharax yahay iyo in kale, inkasta oo wasiiro dhawr ahi hadalka la boobeen una laqimeen inuu kagaga jawaabo wakhtigeeda ha la gaadho madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay “taa(Musharaxnimada) wakhtigeeda ha la gaadho”.

 

 

 

Cali Guray oo arrintan ku lafo guray boggiisa Facebook wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Hadalka Madaxwaynuhu sidii muruqii laba suul ninba si ku ahaa. Muu cadayn inu isagu murashax yahay iyo in aanu ahayn. Wuxuu kaga muquurtay goorteed iyo ha la gaadho. Wuxuuse sheegay in si cadaalad ah xisbiga dhexdiisa loogu tartami doono. Yaa tartamaya? intii aan la tartanteen isaga hadii uu isa soo sharaxayo, marka si dadban wuxu u sheegay in isagu aanu musharax ahayn.”

 

 

 

Cali Guray oo ka sii hadlaya sababta madaxweynuhu dib ugu dhigay kala caddaynta inuu tanaasulay iyo inuu taagan yahay waxa uu yidhi “Sababta uu uga warwareegayo in wakhti hore cadeeyo ayaa noqon karta sababo mid ka badan iyo xaaladda cakiran ee xisbiga dhufayska isugu wada jira ee kalsoonidii hogaankiisa iyo kaadariintiisa dhexdoodu dhimatay oo hadii ay xalka keliya noqoto oo ay ku kelifto uu isaga laftiisu isa soo sharixi karo uu noqon karona murashaxa keliya.

 

 

 

Cali Guray waxa uu intaasi sii raaciyay “Markaa kaalinta odaygu waxay noqon kartaa in isagu saaxadda lagu tartamayo uu qaado masuuliyadeeda inay noqoto mid ay u gudboon yihiin tartamayaasha oo dhami kuna ilaaliyo ku dhaqanka Xeerka Xisbiga cidii wax ka baxsan la timaadana uu siidhiga ku afuufo. Taas oo keeni karta in Bamkii mudaysnaa ee dhag dhag dhag tiisa dhegaheena soo gaadhayeen uu fuyuuska ka saaro ka hor inta aanu qarxin. Waayo hadii uu ku dhex qarxo maaha in uu xisbiga uun dhexdiisa ku qarxayo ee xukuumadda lafteeda ayaan ka badbaadi doonin.”

 

 

 

Loolanka Kulmiye oo intii madaxweyne Siilaanyo dalka ka maqnaa gaadhay in saxaafadda weedho xanaf leh la isku mariyo ayaan wali la saadaalin karrin in xafiiltanku sii socon doono iyo in madaxweyne Siilaanyo keeni doono xal uu iskugu soo dhaweynayo labada garab ee is haya.