Cali Guray oo Ka Warramay Abaallo Xuseen Axmed Caydiid u Galay Siilaanyo iyo Kala Fogaanshaha Wakhtigan

 

Hargeysa(SLpost) Cali Yuusuf (Cali Guray), Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka sheekeeyay Abaalo faro badan oo uu madaxweyne Siilaanyo u galay wasiirkii hore cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo haatan uu ka dhexeeyo xifaaltan siyaasadeed .

Mujaahid Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay barta Internetka uu ku leeyahay ee Facbook ayaa waxa uu yidhi “Xuseen Axmed Caydiid tan iyo intii uu ku soo biiray SNM sanadkii 1989kii wuxu ahaan jiray saraakiisha sida wayn u taageerta Axmed Silanyo ee uga hiilisa mucaaridkii ka soo horjeedi jiray.

Wuxuu ka mid ahaa shantii xubnood ee saxeexday diiwangelintii ururka Kulmiye markii ugu horeysay ee la asaasay. Sidii ayuu u garab taagnaa Axmed Siilanyo isaga oo gudoomiye Jabhadeed ah iyo isaga oo Gudoomiye xisbi siyaasiya ah iyo isagoo Madaxwayne ahba. Maanta waxa ay ku kala tegeen dad badani waxa laga yaabaa in aanay si fiican u wada fahmi karin balse waxa laga yaabaa in ay ogaan doonaan ka dib marka uu xidhmo Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Kulmiye.

 

 

Xuseen wuxu noqonayaa kii ugu dambeeyay afartii xubnood ee Axmed Silanyo ka ogolaaday inay la saxiixaan Diiwaangelintii Urur Siyaasadeedkii Kulmiye ka dib markii uu ku muusanaabay.

 

Subaxnimadii maalintii ugu dambaysay diiwaangelinta ururada oo ahayd maalintii Kulmiye aanu diiwaangelinay waxaanu isugu nimid guriga Axmed Silanyo. Xuseen Axmed Caydiid wuxu ka mid ahaa Gudidii Xasuuqa oo ahayd hawl ka baxsan kana madaxbanaanayd siyaasadda hadana ixtiraam uu u hayay Axmed markuu ka codsaday inu la saxeexo diiwaangelinta Urur Siyaasadeedka wuu diidi kari waayay waxa aanu kulmiye ku sugnaa maalintaasi in mudada diiwaangelintu ay ka xidhanto waxanu ku fakaday saacado yar (ka yar (saddex saacadood) waayo waxay xidhantay 12.00 duhurbimo. Nasiib darro maantana waxa laga diiday inu xogogaal u noqdo sida loo wado hawlaha Kalfadhiga Golaha Dhexe maadaama aanu ka mid ahayn taageerayaasha Muuse Bixi balse uu taageesan YAHAY Xildhibaan Axmed Kijaandhe. Markaa hadii aan iyo kuwo badan oo kale soo qaato oon idhaahdo Axmed Silanyo nin isagu abaal gala maaha nin guda abaal isaga loo galayna maaha. Markaa wax uu ku dhaamo: ISKA HADHAYE AAKIRONA WAA LAMA HURAANKIIYE ma jirto” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mujaahid Cali Gurey