Cali Guray oo ka Muquurtay Marti-qaad M/weynaha Djibouti u fidiyey iyo Wufuud Faysal Cali Waraabe ku jiro oo maanta labada Diyaaraddood Raacay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Wasiirro uu xubin ka yahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil Cabdilaahi, ayaa ka dhoofay Maanta Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa si ay uga qayb-galaan Xaflada Meherka Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu marti-qaaday in ku dhow 40 Xubnood oo ka kala socda qaybaha Siyaasadda, hogaanka Dhaqanka, aqoonyahanka iyo Ganacsada dalka.

Xafladda Meherka ee loo samaynayo Gabadha laga Guursanayo Qoyska reer Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah tii ugu horaysay nooceeda oo Gobolka ka dhacda, ayaa waxa ka qayb-gelaya Marti sharafeed heer Gobol ah, waxaanay dhacaysaa maalmaha khamiista ama Jimcaha midkood.

cali-gurayGuddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa subaxnimadii hore ee saaka Diyaarad ka raacay Madaarka, halkaasoo aanay cid ku sii dhaweysay iyo Warbaahin kula kulantay toona jirin.

Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa xaqiijiyay in Guddoomiye Faysal si shakhsi ah lagu soo casuumay, kagana qayb gelayo Xafladda. “Way jirtaa inuu Guddoomiyaha Xisbigu tegay, waxaana lagu soo casuumay sifo shakhsi ah ee maaha mid xisbinimo, isaguunbaana uga qayb gelayaa si shakhsi ah”ayuu yidhi Xuseen Bad-maax oo ka tirsan Madaxda Xisbiga Ucid.

Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigaas Cali Maxamed Xasan (Cali-guray) oo isagana Madaxweynaha Djibouti marti qaaday u soo diray ayaa ka baaqday inuu u maanta ambo baxo, wallow aan la ogayn sababta baajisay.

Wefti kale oo Xukuumi u badan ayaa iyaguna Maanta Diyaarad kale ka raacay Madaarka Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Madasha Meherku ka dhacayo ee Magaalo madaxda Dalka Djibouti.

Wufuud isuug jirta Madaxda Dawladda, Xisbiyada iyo Ganacato, ayaa xubnaha maanta baxay uga horeeyey dalka Jabuuti, kuwaas oo isla todobaadkan ka amba-baxay dalka.

SOMALILANDPOT.NET