Caleemo-saarka Suldaan Cali Cabdi Xasan-Roodhiile oo ka dhacay magaalada Diridhaba (DAAWO SAWIRRO)

Diridhaba (SLpost)- Suldaan Cali Cabdi Xasan-Roodhiile, ayaa todobaadkii hore loo caleemo-saaray Suldaanka Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq ee ku dhaqan Magaalada Diridhaba ee Dalka Ethiopia.

caleesoaarka (6)Munaasibadda caleemo-saarka Suldaanka oo 7-dii Bishan ku qabsoontay Beer weyn oo layidhaa Millennium Park iyo Hotelka Triangle ee badhtamaha magaalada Diridhaba, ayaa waxa ka soo qayb-galay Salaadiinta iyo Ugaasyada qoomiyadaha iyo Qabaa’ilka ku nool magaalada Diridhaba iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka Qoomiyadda Oromiya, Suldaanka qoomiyadda Adarida, iyo suldaanada Qoomiyada Soomaalida sida suldaanka Sheekhaash-ta, suldaanka Madigaan, Suldaanka Gurguraha iyo wufuud kale oo ka socotay Beesha Ciise, Qoomiyadaha Tigree, Amxaaro iyo shucuubta koonfurta itoobiya (dhabuub).

caleesoaarka (4)Goobta Xafladan oo ka dhacday oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay, waxaa lagu soo bandhigay waxyaalo badan oo Hiddo iyo dhaqan u ah caleemo-saarka suldaanada qoomiyaha kala duwan ee Itoobiya.

Waxa munaasibadda hadallo kooban oo ka jeediyey madax-dhaqameedka qoomiyaha lagu marti-qaaday kuwaas oo mid walba luqaddooda u gaarka ah kaga khudbadeeyo madasha lagu caleemo saaray Suldaanka beesha reer Sheekh Isaxaaq ee Diridhaba, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday masuuliyadda uu leeyahay xilka Saldannada iyo waajibaadka looga baahan yahay qofka dusha u rita, waxaanay halkaas uga duceeyeen in Illaahay xilka u fududeeyo Suldaanka Cusub ee Beel-weynta ku abtirsata Reer Sheekh Isaxaaq.

SOMALILANDPOST.NET