Caku Dhoohanaantaada!

 

In badan dhuuni aad laqaysay ayaa dhuunta kuu istaagi waayey,  haammaan caloolo badan ayaad noqotay oo meeshii aad soo gaadhoba waad dabar jartaa, dalqada ayaa ku dheeraatay oo wixii aad heshaba adiga oo aan dibnahaba taabsiin ayaad durulaati ugu daadejisaa ubucdaadan balaadhatay. Kolkaad dheregtid kuma leddid ee lur iyo dhibaato ayaa ku laab qaadda, hawlaha adduun ayaa isu kaa tilmaama oo xayn xayn isugu soo kaa xaadiriya. Sidaas oo ay u dhacaan wax walbaaba haddana ragannimo iyo adkaysi uma lihid iska leexinta wixii kula soo dersa ee kula dab wadaaga. Cun oo dhaaf waa calankaaga, waxba kaama maqna ee madhina waa astaanta calankaaga.

Bulshadu yar iyo wayn maalinta ay ku taageeraan ayaad adna taabsiisaa dhinbiilo holcaya, qaylo dhaantaada iyo qaraabo u yeedhadka ayaad ka adagtahay kolka ay arrintu kugu foorarsato. Hummaagga iyo hankaaga oo aad meel dhaw ka sawirataa waa mid lagu gu yaqaanno,  caammo iyo wax garad, sebi iyo sirqaba, mid lexaad qaba iyo mid dhimanba xogtaada waa laga wada dheregsanyahay .

Maankaagu in aanuu sii dheerayn dharaarba dharaata xigta ayaad is caddaysaa, mar walba oo xaalku kugu foorarsado waa kuu dhib iyo dhexan, waa kuu calan xumo iyo canbaar, waa kuu ceeb iyo astaan liidata oo ay naftaadu kuu sababtay,  awalkii hore ee aad hawshan adaygeeda iyo miisaankeeda leh aad isku raraysay sidii oo aad xal u raadin karto cid wal oo xaq kugu leh kamaad fikirin faallada ka danbaysa.

Laba dhuuni qaate, labo cimaamad beenaale,  labo calooshooda u shaqayste ayaa ku dhinac tuman oo aad ku qancisid cantuugooyinka ay maalmahaa u baahanyihiin inay calooshooda u diraan, dadka intooda kale waxaad ku hantiday qaylo iyo in aad u qaraaba sheegato, qoqobka iyo eexdana adiga ayaaba lagaa dhaxlaa,  mar wal oo aad u baahatid cid baahisa dareenkaaga labada oday ee reerkiinna ugu beenta iyo balanqaadka daran ayaad u yeedhataa oo aad ugu ballanqaaddaa jagooyin iyo boosas aad xilka ka siinaysid marka aad qabsatid, hadhowna, kolka  aad guusha heshid inta aad albaabka xidhatid ayaad aamustaa.

Toddobaadyo ha kugu soo noq noqdaan oo askariga albaabka kuu taagan ha celceliyo sidii geel la horayo, marka ay kaa quustaanna ha iska tagaan iyaga oo ku ogsoonaa ciddaa tahay iyo qofkaad tahay!.. haa ciddaa tahay way ku ogyihiin, oo waad isla ogtihiin in aad ahaydeen ballan-beenaalayaal,  waana waxa aad reerkiinna oo ay daacad iyo deeqsi buuxaan  uga soo xulatay labadan xayraan ee muddooyinkaa oo dhan kuu taagnaa hadh iyo habeenba, ee kuu soomanaa kuuna sacabbo tumayey.

Dhanka bulshada hadalladii maaweelada ahaa ee aad ku madadaalin jirtay maalintaa waad bedddeshaa, wixii aad u quudhi lahayd ba adigaa afka u dhigta, adigaa hawlahaaga iyo hammigaaga siyaasadeed ee mustaqbalkaaga ku fushada.

Damacaaga siyaasadeed ayaa kaala waynaaday diintii ilaahay,  oo xaaraan iyo xalaal kuuma kala soocna, xaaraantaad se ka jeceshay xalaalsha,  naxariistii iyo diir-nixii ayaa kaa dhammaaday oo duqda tuugsanaysa taangi biyo ah uma shubtid.

Haddana marka ay soo dhawaato xilkaagii iyo wakhtigii ay ku ekayd siyaasaddaadu,  olole kale in aad gashid ayaad hiyiga gashataa,  hase ahaatee waad ogtahay cid ku dooranysa iyo cid kuu calan wallaynaysaa in aanay jirayn , cid ku doonaysa iyo cid kuu ololaynaysaa ma jirayso waayo hore ayaad u dhammaysata hantidii ummadda, bulshada xaqeedii ayaad boobtay adiga iyo inyar oo aad xigaal tihiin oo xaruntaad markaa joogtid kugula nool!.. haa adiga iyo xigtadaada waad is uruursataan oo hankiinnu waa sidii sacii daaqayey ee lahaa “ beri maahee maanta sii boob”  jeebabka markii aad dhaansateen ayaad habeen u fikirteen sidii aad ololaha dib uga soo qayb gali lahaydeen ee la idiin dooran lahaa.

“Qaylo dhaan diraay oo qabiilkii u baaqaay!”  ayaad ku heshiiseen kolkaad gurigaaga kadalloobteen habeenkaas. Isla subaxiiba ballan qado ayaad samayseen oo beeshiinnii ayaad isugu yeedheen intii ugu caloosha iyo circa wayneyd !.. haa inta ugu circa wayn waxaad ku haysaa liis dheer  oo marka ay xaaladdu kugu adkaato ayaad soo xaadirisaa,  hadhimadii kolkii aad dhamaysateen ayaad qabsatay maygarafoon adiga oo halkaas hadallo qiiro gelin iyo guubaabo isugu jira cod dheer ku qaylinaya.

“ tollaay reer hebel maanta hanbadiinnii ayey reer hebel u soo fidhanayaan, waa faciinna,  idin kama laan-dheeraysna,  idin kama na aabbo wanaagsana,  booskaa innagaa iska leh innagaana xaq iyo xuquuq ba u leh,  innaga ayaan cidina inaga xigin booskaa, innaga ayaa!..…innaga ayaa!… ee garab iyo gaashaan i siiya aniga ayaa halkaa u sharraxan ee”

Waa bulsho aad beer laxawsatay  waa rag aad xiniinyo taabatay, waad u jeeddaa sida ay u khusuucsanyihiin sidii ood diin ugu khudabdaynaysid ayaa hoos loo wada foorarsaday oo ciil dibnaha la qaniinayaa,  cali iyo caalin ayaa halkaa fadhiya oo waa labadii aad albaabka ka xidhatay iyagaa se ugu dareen dhawaa, oo markiiba qiiro jabbaan ayaa gashay,  waad u jeeddaa in ay madaxa kuu ruxayaan, adiga se waa kuu badhaadhe iyo wacnaan  iyagana waa u cadho iyo ciil, oo kollay in aanad waxba u soo kordhinayn way ku ogyihiin hase ahaatee waa ku waajib in ay ku taageeraan, halkas ayaad shirkii taageero iyo ballanqaad rasmi ah ku heshay.

Nin ay beel wadato ayad tahay ee dharaartii xigtay ba musharraxnimadaada ayaad ku dhawaaqday, cid kuu sacab tunta afartii shirka kuugu yimid ayaad aragtay, cid miidhiyaha kaa canbaaraysana waad ledi wayday hurdaba, oo faalig ayaa kugu dhici gaadhay, waalli ayaad ku dhawaatay oo wareer iyo walbahaar ayaa kula soo dersay. Hilaadaha wixii xigay musharraxnimadaadii waad ku guulaysatay ilaa aad aakhirkii noqotid madaxlaga danbeeyo, balse waxa aad halkii ka sii wadday wixii lagu gu yaqaannay ee ahaa cid dhawaysigaagii iyo eexdii uurkaagu qabatimay,  intaas wixii ka danbayeey waxa aad noqotay siyaasi shaanbadaysan, bulshadiina yar iyo wayn waa lagaa dareeray, wacnaan lahaydaa caddaalad samayntaadu.

 

Afeef:

qormadani maaha mid wajahaysa hal shaqsi balse waa mid ku saabsan dhammaan siyaasiga surimada qallooca mariya umaddiisa ee aan u aabbo yeelin xurmo iyo xishood toonna, qiimaynta iyo qaddarintana geed dheer laga ga laalay.

W/Q- Cabdiraxmaan Bulshaawi

Contact:

ebulshaawi@gmail.com

facebook: Eng abdirahman bulshawi