Cajilad ay soo direen Daacish oo ay ka soo muuqdeen kuwii weeraray Paris

epa04925532 A flah and sign belonging to the group calling themselves the Islamic State (IS) sits on a roadside in territory liberated from the group during military operations south of Kirkuk, northern Iraq, 11 September 2015. According to a media reports Kurdish Peshmerga forces backed by airstrikes carried out by the international coalition claim to have recaptured four villages south of Kirkuk from the IS. EPA/STR

Hargeysa(SLpost)-Ururka xagjirka ah ee Daacish/ISIS ayaa soosaarey muuqaal ama Video soconaya 17 daqiiqo kaas oo ay ku jiraan muuqaaladakuwii weeraray Paris Bishii Nofeember 2015.

Muuqaalka ayaa muujinaya 9 qof kuwaas oo sheegaya in ay qayb ka yihiin weeraro ka dhacaya Paris, waxay ku hadlayeen hadalo hanjabaad ah, iyaga oo sheegaya dalalka ay ka soo jeedaan.

Afar kamid ah ayaa sheegtey in ay u dhasheen dalka Biljimka, saddex waxay sheegteen in ay Faransiis yihiin halka labada kale ay sheegteen Ciraaq. Isla muuqaalka Daacish soo saareen waxaa ku jira 7 kamid ah kuwa Muuqaalka ku jira oo samaynaya falal argagax leh sida dad ay qoorta ka goyanayaan.

Muuqaalka waxaa la duubay ka hor weeraradii Paris 13 Nofeember. Dhamaan sagaalka qof waxaa la diley kadib weeraradii Paris. Muuqaalka ayaa lagu soo xirey hanjabaado culus iyo sawirka Raysalwasaaraha Britian David Cameron, kaas oo taageero u fidinaya dalka faransiiska kadib weeraradii Paris.