Cadowga Somaliland Laab La Kace, Lugo se kuma Taagna!

Bahal Iga da’a weynoo
Dad cun ahi ma joogee
Ma Dididee Hargoolow
Ha igu tumin Durbaanada
Iyo Daasaaha Madhan
Isku baydh Dad qalatooy
 
                       “Abwaan Hadraawi”

Marba haddii ay maqlaan Shir Soomaali loo Qabanayo ama in  wadan shisheeye ahi uu ogolaado  inuu isu keenayo kooxaha ku hirdamaya Soomaalia ayaa waxaa caado u ah in Cadawga Somaliland ay naruuro beeneed yari soo gasho, waxa markaba ay bilaabaan biqlo iyo booto ay ku gooddiyaan in Somaliland  ay burburayso, Soomaaliyana ay soo noolaanayso, iyaga oo bilaaba faan, iyo aflagaado ay kula kacayaan umadda tashatay ee reer Somaliland, waxaanay cadawgaasi u dhaqmaan sidii oo ay awood u leeyihiin inay   bakhtiin karayaan Nuurka Somaliland ee ka ifaya geeska afrika, waxaana  caado u noqotay inay bilaabaan shirar beenaadyo ay dib boodhka uga tumaan naxliga iyo nacaybka ay Somaliland u qabaan, tani ma aha mid cusub ee waa mid soo taxnayd tan iyo Shirarkii kooxahaas Somaliya isku haysta loogu qaban jiray  Jabuuti, Itoobiya, Masar iyo waliba Ceel-Doofaartii Kenya, waxaana aad arkaysaa iyaga oo qawlalada ka xunbaynaya had iyo goorna  haaraamaya Ummada reer Somaliland oo iyagu danahooda ku foofay, dalkoodii dhistay, hogaan doorasho ku yimaadana samaystay, bal cilmiga Alleh cadawga Somaliland kuma najaxaan shirarkooda, sababtoo ah marka horeba shirarka ay qabsadaan ayaa majaro habowsan oo ku salaysan kuna qotoma nacaybka iyo xumaanta ay u qabaan reer Somaliland, halkii ay ka ahayd inay danahooda ka shiraan oo carruurtooda gaajada iyo colaada u dhimanaya ay badbaadiyaan, Nabadgelyo iyo kala danbayna ay dalkooda ku soo celiyaan.

Khalad ka fahamkii Siyaasadii Cusbayd ee Maraykanka “A Dual-Track Approach to Somalia” 
Badhtamihii sanadkii 2010ka ayaa dawlada Maraykanku waxa ay ku dhawaaqday Siyaasad cusub oo ay kula tacaalayso xaalada cakiran ee ka taagan dhulka Soomaalida, waxaana ay siyaasadaas ku iftiimisay in iyada dawlada maraykanku taageerayasa kooxda dawlada ku meel gaadhka ah “TFG” ay hadana dhinaca kale ay si toos ah ula macaamili doonto Jamhuuriyada Somaliland, maamul gobeleedka Puntland iyo waliba goobaha kale ee nabdoon ee Soomaaliya ka jira. Sidii caadada ahayd ayaa markiiba si khaldan loo fasirtay siyaasada cusub ee Maraykanka, waxaana kooxo badan oo naflacaarid ah oo reer Somaliya ahi ay bilaabeen ku dhawaaqista waxay ku sheegaan maamul goboleedyo, waaba tii la ogaa in shaashadaha Telifishinada ay qabsadeen tiiyoo habeenba meel maamul goboleed lagaga dhawaaqayo, iyaga oo u fahmay in Maraykanku  uu Qamadi  iyo lacag faraqa ugu gunti doono, waxaanad arkaysay kuwo badan oo isku dhererinaya Qaranka  Somaliland oo labaatan sanadood ay ku qaadatay inay ku gaadhaan heerka fiican ee  ay maanta joogaan, caqli xumada kooxahaas maamul goboleedyada ku dhawaaqayay hadaad eegto  waxay iyagu isuba arkayeen qaar la siman oo la meeqaam ah Somaliland. Waxaana aakhirkii ay maamul goboleedadaas tirada badnaa ee lagu dhawaaqay tan iyo sanadkii 2010 ay noqdeen qaar dabayshu  ay qaaday oo iska naaqusay, inkasta oo ay wali jiraan kuwo ku shaqaysta oo sheegta Madaxweynayaal oo aad arkayso iyaga oo diyaarsada dad ku hor suga gegooyinka diyaaradu soo cago dhigtaan oo sacab iyo mashxarad isla hortaaga kuna hadaaqa in madaxweynihii maamul goboleedku uu yimi.

Khaatumo-Seeg iyo Kooxda Awdal State: Dhidar Onkod Kiciyay 
Shacbiga reer Somaliland oo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ku talaabsaday horumar dhinac kasta ah, dedaal weyna ka sameeyay dhinacyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarka guud ee bulshada, isla markaasna qarka u saaran in caalamku uu si rasmi ah u aqoonsado madaxbanaanida Somaliland, ayaa waxay cadho galisay kooxo cuqdadaysan oo gacan saar la lahaa nidaamkii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana kooxahaasi oo u badan qurbo joog iyo xubno hore ugu fashilmay siyaasada ay si balaadhan weerar dhinac kasta ah ay ku soo qaadeen umadda nabada jecel ee reer Somaliland, waxaana kooxahani ay sheegteen inay samaysteen maamul goboleedyo been ah oo ay sheegeen in gudaha Somaliland ay kaga dhawaaqeen, waxaa kale oo ay bilaabeen dagaal warbaahineed iyo aflagaado aan kala joogsi lahayn oo ay ku soo qaadeen ummada reer Somaliland iyo gaar ahaan Beelaha dhexe ee Somaliland oo hore uga cafiyay dhagartii ay ka galeen xiligii ay u adeegayeen kaligii taliyihii naxariista darnaa ee Siyaad Barre.

Waxaabad moodaa inay kooxahani yihiin qaar doonaya in  reer Somaliland ay u hawl galaan in ay ka aargutaan cadaaladana ku horkeenaan danbiyadii ay galeen, kol hadii wanaagii loo sameeyay ay xumaan iyo cadaawad kasii qaadeen, waxaana suurto gal hadii aanay kooxahaas sharwadayaasha ahi joojin fidnada ay wadaan in guryahooda uu dabku ugu geli doono oo ay mar kale dib uga murugoon doonaan Nabadgelyada loo fidiyay ee ay ka dhago adaygayaan.Waxaana ay u eegtahay inay yihiin qaar caleentoodu ay cadaatay oo ku bixi doonaa gacanta  birta ah ee Ciidamada Qaranka Somaliland.

Shirka Arrimaha Somalida ee UK ka dhacaya 23/Feb/12 
Tan iyo markii uu Raiisal Wasaaraha dalkan Britain Mudane David Cameron uu ku dhawaaqay in dalkiisu uu marti galinayo shir ku saabsan arrimaha Somalida sida Nabadgelyda, Budhcad badeeda, Argagixisada iyo Siyaasada ayaa waxaa  madaxa la soo kacay kooxo mar kale khalad ka fahmay shirkan, waxaanay markiiba abaabuleen sidii ay maamul goboleedyo been ah ugu dhawaaqi lahaayeen iyaga oo ku riyooday inay taasi u noqon karto fursad ay shirkan kaga qayb galaan

Caqli xumadooda waxay u fahmeen in koox kasta oo calan yar soo qaadata in lagu soo martiqaadayo shirka UK, waxaa kale oo ay hilmaameen in Dawladaha reer Galbeedka sida Yurub iyo Ameerika ay xarumo waaweyn ku leeyihiin gudaha Somaliland, isla markaasna ay ka war hayaan waaqaca ka jira Somaliland, taasi oo aanay majaro habaabin karin Koofiyad weynaha dibad meerka ah ee sheegta Madaxweynaha Awdal State, Cali Khaliif iyo cid kale toona, iyada oo dalalka Yurub iyo Amerikaba ay ballan ku qaadeen inaanay ogolaan doonin cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho Amaanka iyo qaranimada Somaliland.

Yaa ka qaybgalaya Shirka Soomaalida ee  UK? 
Sida ku cad waxay ugu yeedhaan khariidada siyaasadeed ee Soomaaliya ee la  dajiyay 6tii Septembar ee sandkii 2011kii  waxaa lagu ansixiyay reer Somaliyana lagu soo ururiyay afar kooxood oo kala ah dawlada ku meelgaadhka ah, Puntland, Galmudug, iyo kooxaha loo yaqaan Ahlusunnah wal jamaaca, waana kuwaas kuwa shirka loo qabanayo ee aduunyada kale ee Somaliland ay ka mid tahayna ay goob jooga ka noqonayayaan taladana ka geysanayaan sidii afartaas kooxood loogu dhisi lahaa dawlad, loogana caawin lahaa inay dalkooda nabadiisa dib usoo celiyaan, sharkoodana ay ka yareeyaan wadamada deriska ah iyo dunida kalaba. Hadaba caqli xumada kooxaha dibad wareega ah ee Awdal State iyo Khaatumo isku magacaaba ayaa waxay u durbaan tumanayeen in shirka lagu soo marti qaadi doono ,

Maxaa imika Keenay Dagaalka Warbaahinta ee Somaliland lagu soo qaaday? 
Waa arrin caadi ah  in cadawga Somaliland uu af-labadii yeedho xiliyada Shir Somalida loo qabanayo ama ay dhaqdhaqaayo yari ka soo kordhaan Muqdisho, iyaga oo si been ah isaga dhaadhiciya in Somaliland ay burburayso, waxaana yaab leh in cadawga Somaliland uu yahay mid aan caqli badan lahayn oo aan dib u milicsan taariikhihii shalay la soo maray, waxaanay hilmaamaan in Somaliland ay soo jirtay Labaatan sanadood in ka badan, waxa burbura ee mar walba guul darrada ku dhamaadaana ay yihiin shirarkooda, sababtoo ah waa qaar Nacayb iyo Xumaan lagu asteeyo, sida caadiga ah wixii xumaan lagu dhisaana way burburaan.

Ugu danbayn waxaan shacbiga reer Somaliland u soo jeedinayaa inaanay dan iyo muraad toona ka gelin aflagaadada ka soo burqanaysa cadawga ee ay doonayaan inay ku niyad jabiyaan shacbiga geesiyiinta ah ee reer Somaliland, waxaana lagama maarmaan inay dulqaad muujiyaan, mar walbana nabadgelyada ay ku baaqaan, Samirna u yeeshaan inta Shirkan UK ka dhacayaa uu qabsoomayo, markaas oo kuwan hadaaqayaa ay niyad jab la hoyan doonaan sidii caadada ahayd, . Waxaana lagama maarmaan ah in cadawga Somaliland uu ogaado in Qaranka Somaliland uu yahay qaran isku kalsoon oo leh Awood Milatari, Awood Dhaqaale, Awood Shacbi iyo Awood Siyaasadeed oo uu ku difaacdo qaranimadiisa.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com