Cadho Yaynaan Ku Kala Daadin Somaliland AMA Qaranimadeenaba(Gudoomiyaha Somaliland Concern Group)

Somaliland Concern Group Waxay Canbaaraysaa oo aad uga soo hor jeedaa kooxda Sheegtay In Ay Maxkamad La Beegsan Doonaan Madexweyne Siilaanyo

Doorashadii Somaliland waxay lahayd xanif badan waxayna reebtay utumo badan oo shacabka reer Somaliland gabi ahaanba ay galisay shaki ka dhashay najiitadii doorashada, waxaana koox badan oo la filayay inay soo baxaan iska dhex waayeen liiskii najiitada doorashada oo ay is lahaayeen waad guulaysanaysaan. Balse nasiib daro ma dhicin, si ay u dhacdayba, waxaana dhacday in aanay gari laba nin ka wada qoslin.
Masiirka iyo nidaamka dawliga ah ee aynu jeexanay waxaa uu inoo banaynayaa in aynu wadada saxda ah ee sharciga ah u marno wixii tabasho iyo cabasha ee ka yimid doorashooyiinkii, waxaana jira in hayadaha shuruucda qabiilsan ay u furan yihiin wax ka qabashada iyo dhagaysiga tabashadaas, oo aanu dalku ahayn mid uu ka jiro nidaam kali talisnimo ah balse uu leeyahay hayado garsoor oo madex banana.
Xaqsoor dhibta soo gaadhay maha mid iyaga uun ku koobaan, waxaa ka baxay sadex xisbi oo kale oo iyaguba meesha iska dhex waayey oo cabasho weyn muujiyey, waxa kale jiray dad badan oo golaha deegaanka maanta aan waxba ku lahayn, iyagoo tirsanaya cadalad daro lagu samayey, balse cida ay ka tirsanayaan iyo cida ay wax u sheeganayaan mahaa kuwa iskaga khaldan waxayse og yihiin in la sameeyo tudhaal loo tudhayo qarankan oo ay ku liqeen wixii ay tabanayeen.
Xaqsoor manta lagama filayo in koox qudhii afduubto iyagoo durba la soo booday in la maxkamadeeyo Madexweynaha qaranka Ahmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo oo aynu dhamaanteen AMA badankeenu dooranay, inagoo u arkaynaynay markaas inuu ahaa nin isbadal keeni kara runtiina isbadal badan laga arkay hadii aan lays dafirayn, madaxweynuhu waa bini adam qaladna wuu gali karaa waanu galay, qalad waxa ah caruurta la laayay iyo sida loo handle gareeyay ee kol hadii arinkii dilku dhacay ay ahayd in la dejiyo oo weliba madaxweynuhu ay ahayd inuu dajiyo arinka oo uu booqdo dhaawaca dhaqtarka yaalay, ama uu isla markiiba tacsiyadeeyo, ilaa hada ay iga daadagi laadahay ama fahmi laayahay waxa uu madaxweynuhu sida aan kor ku soo sheegay u samayn waayay.

Waxaanu u aragnaa maangaabnimo ku dhisan cadifad iyo nacayb shaqsi in manta loo ololeeyo in madexweynahii dhamaa ee qaranka in maxkamad cadow Iyo gaalo la yidhaa aan ku maxkamadayno.
Waxaan leenahay arinta qaranka iyo masiirkan umadu dalka oo dhan buu dhex yaala madexweynuhuu waa haykalkii ugu sareyey ee qaranka madex meel ka sareeya oo la taabta ma jirto waxaa uu inaga mudan yahay xaq dhowr karamada shacabka doortay iyo kuwa aan dooran buu meesha ku jooga. Waxaanu ka codsan lahayn hadii aanu nahay Somaliland Concern Group in ay ka laabtaan kooxda sida gaarka u danaynaysa in qaranka la wax yeelayo. Iyagoo isleh wax baad hagaajinaysaan baad mooda in ay fulinayaan dano shisheye oo qarankan raba in ay dumiyaan.
Dalku manta uma baahna colaad kala kaxayn iyo isku dir dadka walaalaha ah, dawladuna maaha mid cid gaara ay gaar u leedahay waa dawlad aynu wada dugsanayno waa mida aynu manta magac ku wada leenahay, yaan shaydaan idin qaadin ee ka soo laabta talabada xun ee aad ku dhaqaaqdeen oo aan cid kale wax yeelayn idinka mooyee.
Gudoomiyaha Xaqsoorna waxaan ugu baaqayaa in uu gacan adag ku dhigo raga sida wayn u wax yeelanaya magaciisa iyo ka ururkan oo hoos keeno nidaamka jira balse aanay noqon in qof waloo cadowad shaqsiyadeed ku foogatay uu iskii ugu hawl galo wax wax yeelanaya qaranka. Waxaanan kula talin lahaa taagerayasha sharafta mudan ee Xaqsoor in ayna ku kicin wax nabada wax yeelaynaya wax sharafta qarankan wax duminayaa waayo wax kasta oo soo gaadha qarankan waa mid soo gaadhay iyagana wax la’aanta qaranka waa wax la’aanta Xaqsoor.

Waa nasiib daro Iyo masiibo inagu habsatay hadii dad inaga mid ahi ay maanta sidaa u fikirayaan, aniguse waxaan u arkaa inaan sharafta wadanka Iyo ta dalkaba Iyo qaranimadeenaba aynaan meel kaga dhicin, waxaanan u arkaa arinkaa hadii la sameeyay in lagu dagdagay hadii kalana la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan. Haa way jirtaa in mashaakilaad Iyo dilba wadanka ka dhacay laakiin xalku maaha in dibadaha Iyo maxkamado caalamiya la Isla tago, xalku waxa weeye inagoo dhexdeena ka xalina arikan cakirmay, dhibaatooyin intan ka badan baynu ka soo gudubnay Iyo marxalado intan ka adkaa ooynu maskax, wadahdal Iyo isu tanaasul ku dhamaysanay.
Mucaarinimadu yay noqon mid Ina burburisa ee ha noqoto mid wax dhista, waa wax lala yaabo walee. Siday idiinla muuqataa.
Waxyaalo badan baa khaldan oo khaldami doona inta la nool yahay markaa waa in Dhako la keeno caafimaad qabta ee aan laynoo keenin wax Ina burburin kara AMA cawaaqib xumo inagu keeni kala

Ninkii xukuumada dhaliilayaa AMA diidan siday wax u wado waa inuu si salmi ah u fikiraa, waa inuu xisbiyada mucaaridka ah ku biiraa( marka la helo) waa in doorasho xalaal ah sidii lagu heli lahaa falawgeed qabanaa marka Hore dabadeedna xukunka aynu diidanahay cod ku tuuraa, laakiin madaxweynaha ninka yidhi maxkamadayn shisheeye Iyo xayiraad baan ku soo rogayaa waa nin wadanka ku duulaan ah oo raba Inuu birburiyo waxan yaree ee aynu dhoobdhoobnay.

Gudoomiyaha Somaliland Concern Group
Ahmed Yasiin Mohamed Jama
aymjama@hotmail.co.uk