Cadhada yari waxay marar qaarkood u fiican tahay caafimaadka!!

Vancouver (SLpost)- Cadhada yari way wanaagsan yahay haddii sabab wanaagsan loo sameeyo, sida lagu sheegay warbixin cusub. Cadho  la’aanta ayaa la sheegay inay keento in duxda ku jirta jidhkoodu kacdo, waxaana ku adkaata qofka inuu  degenaansho helon maalintii, balse waxa l;a sheegay inaan khubaradu  hubin inay taasi ku timaado xaalada jidheed ee qofka.

Waxa muhiim ka ah ee warbixintan lagu ogaaday waxa ka mid ah, in dadka cadhada  yar soo mara aanu kacsanayn duxdooda jidhku aroortii, iyadoo la sheegay in baadhitaano danbe laga samayn doono xidhiidhka ka dhexeeya muranka iyo duxda jidhka, iyo saamayntooda jidhka.

Khubarada Jaamacada California ayaa baadhitaano ay ka sameeyeen sida cadhadu u saamayso go’aanka, oo ama qofku u gaadho go’aan degan ama u qaato mid lagu degdegay, waxau sheegeen in ardayda wax la weydiiyey iyagoo cadhaysan ay ka tilmaamid wanaagsan yihiin kuwa aan cadhaysnayn, halka kuw awax la weydiiyey iyagoo aan cadhaysnayn aanay sida ugu haboon ama go’aanka ugu macqulsan gaadhin.

Ugu danbayn waxa lagu sheegay baadhitaankaa in cadhadu ka caawiso dadka ka caawiso waajahaada halka eelku yahay, iyo qaadshada go’aamada ku haboon, taasoo samaynta ugu weyn ay ku sheegeen in marka qofku cadhoodo ay ku jihaysmo qofku inuu wax qabto, tasina u sahlayso abaarka halkuu baahida ugu weyn u qabay, ama gaadhida go’aankii ugu macquulsanaa. Bals edadka islaamka ah waxay diinteenu inoo sheegtay in qofku marka uu cadhoodo loo baahan yahay inuu hadba xaalada uu ku jiro iska bedelo, oo haduu taagan yahay fadhiisto, shaydaankana iska naaro, maxaa yeelay waxa keena shaydaanka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net