Cabsi ka taagan Burburka Dayax-gacmeed Maraykanku leeyahay oo Jimcaha ku soo aaddan dhulka iyo halka uu ku dhici doono oo aan la garanayn

New York, (SLpost)- Laanta sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee NASA ayaa si cad u shaacisay in dayax gacmeed ay leeyihiin oo gaboobay isla markaana hawl gab ahaa, uu maamulkii gacmahooda ka baxay dhulkana ku soo beegan yahay maalinta jimcaha ah ee soo socda, inkastoon la garan karayn meesha uu ku dhici doono. Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo (UARS) waxa la diray 20-sanadood ka hor, waxaanu u shaqaynayay sidii xarun baadhitaan oo hawada sare ah, waxa loo xil saaray markii hore inuu sahamin buuxda ku sameeyay qaybta oogada sare ee dhulka iyo wixii cilmi baadhis ah ee la xidhiidha. Hasa yeeshee waxa u hawl gab noqday sanadkii 2005-tii inkastoo la awoodi karayay maamulida iyo hagitaankiisa dhulka lagu wado. Haddaba sida NASA sheegtay waxa uu dayax gacmeedkani gabi ahaanba hawada ka baxay wakhti hore, laakiin wuxuu ku sugnaa qaybta hawada sare ee aan cuf-isjiidadka lahayn, halkaas oo halista uu ku hayo dhulku aad u yarayd, wakhtiyada qaarkoodna la helayay signalkiisa. Sida Laanta sahaminta hawada sare dalka Maraykanka u qaabilsan ee NASA sheegtay waxa gabi ahaanba go’ay xidhiidhkii iyaga iyo dayax gacmeedkaa u dhexeeyay, waxaanu ka soo baxay qaybtii sare uu ammaanka ku ahaa, sida khabiirada NASA sheegeen dayaxgacmeedkan ayaa in badan oo ka mid ahii waxa ay ku burburtay hawada sare, laakiin waxa gibilka sare ee oogada dhulka soo gaadhaya hal tan iyo dheeraad, kuwaas oo meel ay ku beegan yihiin aan la sii saadaalin karin, sida NASA cadaysayna la ogaan karo uun laba saacadood ka hor marka uu hawada dhulka soo galo. Xawaaraha uu ku socdo ayaa aad u sareeya sida injineerada NASA sheegeena halkii ilbidhiqsi waxa uu jarayaa xawaare dhan 5Mile oo u dhiganta (8-km). arrinta kaliya ee la cadeeyay ayaa ah in burburka dayax gacmeedkaasi dunida ku soo beegan yahay maalinta jimcaha ama 24-ka September, lana ogaan karo marka laba saacadood ama wakhti ka yari uga hadhsan yahay inuu ku habsado meeshii uu ku dhici lahaa. Laanta sahaminta hawada sare ee dalka Maraykanka (NASA) ayaa xogo laga helay sheegayaan in uu ku beegan yahay inta u dhaxaysa 57-digrii oo waqooyiga dhul badhaha ah, ama 57-digrii dhinaca koonfureed ee dhul badhaha aduunka ah, tilmaamahaas oo ku kala beegan gobolka Alaska ee dalka Maraykanka iyo koonfurta qaarada Amerika gaar ahaan dalka Chile. Si kastaba ha ahaatee burburkan ayaa meesha uu ku habsado ku keeni kara khasaare naf iyo maalba leh haddii uu ku dhaco meel dad degan yahay. Waxa kale oo jira cabsi laga qabo kumayaal wasladood oo burburkani u kala faliidhmayo ka hor intaanu ku habsan meesha uu ugu danbaynta ku dhacayo, wasladaha oo mid walba qiyaas u gaar ah leedahay, waxa suura gal ah in meelo aad u kala durugsan oo dunida ay ku kala dhacaan, isla markaana gaysan karaan, dhibaato degaanka iyo noolahaba halakaysa. Burburka qaybaha uu u kala Jajabo burburkani ayaa ah sida NASA sheegtay hanti dawlada Maraykanku leedahay oo aan dano gaar ahaaneed loo isticmaali karin, waxaana meesha uu ku dhaco haddii aanay cidi ku waxyeeloobin dawlada dalkaasi ku bixin doontaa Balaayiin dollar oo lagu nadiifinayo burburka iyo qashinka ka dhasha. Inkastoo dayax gacmeedkani aad uga yar yahah kii sanadkii 1979-kii dalkaas ka burburay ee ku dhacay xeebaha dalka Australia, haddana waxay ay dawlada Maraykanku ka cabsi qabtaa inuu ka galaafan doono ama dalkooda loo qabsan doono balaayiin doolar oo mag-dhow naf iyo maalba leh haddii uu ku dhaco meel aan wadankooda ahayn.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net