Cabdiraxmaan Soltelco: Murashax Kasbaday Taageero Xooggan

Hargeysa (SLpost) – Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa golaha deegaanka Hargeysa  u soo sharaxay Cabdiraxmaan Maxamamuud Caydiid (Soltelco) oo ka mid ah dhalinyaradda reer Hargeysa ee hamiga siyaasadeed la yimid.

Xaflad balaadhan oo lagu shaacinayo musharaxnimada Cabdiraxmaan ayaa loogu qabtay hoolka weyn ee Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo lagu marti-qaaday 2000 oo ruux, kuwaas oo tiraddooda faraha badan ka sokow muujiyey sida ay u taageersan yihiin musharaxan u tartami doona golaha deegaanka ee Hargeysa.

Munaasibadan loo sameeyey musharaxan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga talada haya u matali doona xisbiga KULMIYE , ayaa waxaa ka soo qayb-galay hoggaanka sare ee xisbiga taladda haya ee Kulmiye, oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, gudoomiyaha garabka haweenka Kulmiye, Xoghayaha guud ee xisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf, gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbigaasi, agaasimaha samafalka ee madaxtooyadda, madaxdhaqameed, Haween iyo dhalinyaro aad u badan.

Waxa halkaasi afka dhalinyaradda ku hadlay Cabdikariin Axmed Mooge oo sheegay in musharaxani u matalayo dhalinyaradda reer Hargeysa, isla markaana uu doonayo sidii caasimadda Hargeysi ula tartami lahayd kuwa caalamka, isagoo dadweynaha inta wax qabadka jecel  usoo jeediyey inay taageeraan musharaxan dhalinyaradda ah.

Waxa iyana halkaasi ka hadashay gudoomiyaha garabka Haweenka Xusni Maxamed Xasan oo taageerayaasha Kulmiye ku boorisay inay soo saaraan, isla markaana ku dadaalaan dadka wax qabadka muuqda doonaya inay qabtaan, iskana ilaaliyaan dadka isku soo sharaxaya inay wax cunaan.

Waxa isna halkaasi ka hadlay musharaxa golaha deegaanka u tartami doona Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, isagoo sheegay haddii uu tartankaasi ku guulaysto in aanay dib dambe u dhici doonin dhul danguud ah oo la iska cuno, isla markaana, waxaa uu sheegay in wax loogu qaban doono cashuuuraha laga qaado dadka masaakiinta ah.

Musharaxu isagoo waxa ku dhaliyey ka qaybgalka tartankan ka hadlaya waxa uu yidhi “Hargeysi waa magaaladii aan ku dhashay, wax ku bartay ee aan ku koray, maanta ma  ihi nin ka shaqaysanaya ee waxaan ahay nin u shaqaynaya, waxaan ka shaqayn doonnaa bilicda magaaladda oo aan ku dedaali doono in aan qaado qashinka meel walba yaala, bilicda magaaladda waxa kow ka ah deegaanka markaa waa in deegaanka la ilaaliyo, waxaan samayn doonna mashruuc aan dhir ugu biirayo oo sanad walba toban kun oo geed la beero, wadooyinku waxay u baahan yihiin marin biyood uu doodku maro haddii kale wadadaasi ma sii jirayso, waxaan halkan ka balanqaadi doonaa marin biyoodyo ay magaaladda biyuhu si fiican uga baxaan, walaalayaal waxa Hargeysa u sharaxan 224 qof, ninna waxba ka sheegi maayo, laakiin idinka ayay idiin taallaa siddii aad aqoonyahka uga xulan lahaydeen, waxaan halkan idinka balanqaadaya haddii halkan uu yimaado xildhibaan doonaya inuu wax cuno aanay u suurtoobin.” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ka waramay waxyaalo badan oo uu niyadda ku hayo oo uu damacsan yahay haddii uu ku guulaysto inuu qaban doono, isagoo taageerayaashiina ka codsaday inay ku taageeraan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in hab xisaabeedka ay ku shaqayeen dawladda hoose ay wax ka bedeli doonaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muj:Maxamed Kaahin Axmed oo dadweynaha ku dhiirigaliyey inay taageeraan musharaxan, isagoo tilmaamay in haddii musharaxan la soo saari waayo uu taageerayaashiisa ku leeyahay qaan. “Cabdiraxmaan inamaddayadii buu ahaa xisbiga ayuu ka mid ahaa haddii aad soo sharaxdeen aad baan idinkaga  mahad celinayaa, waxa halkan uga mahad celinayaa Xildhibaan Yuusuf Kirix, go’aanka uu halkan ka qaaday nacasku ma qaato, waana go’aankii raganimadda lahaa ee nin raggi qaadan jiray ee markii uu da’yaraa uu halganka kaga qaybgalay isagoo dhalinyaro ah. Yuusuf waxa uu ka soo shaqeeyey halgankii koonfur ilaa waqooyi, meelo badan ayuu ka soo dagaalamay, waxaanu Yuusuf ka mid yahay odayaasha xisbiga.

Waxaan taageerayaashan u sheegayaa in muuqaalka ay xafladani leedahy oo kale ay codkana ku siiyaan, haweenka iyo dhalinyaradda waxaan leeyahay inay hawsha la galaan oo ay taageeraan mar haddii mujaahidkii noo sharaxnaa u (Yuusuf Kirix) tanaasulay haddii aad keeni waydaan waanu idin qabsanaynaa oo qaan baan idinku leenahay ee ogaadda” Sidaas ayuu yidhi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye  Maxamed Kaahin.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaanu sheegay inuu isagu ka  mid ahaa ragii ku dhiirigaliyey inuu isa soo sharaxo, maadaama oo Hargeysa noqotay meel boodh badan, warbixino caalami ah oo laga qorayna waxay caasimadda ku tilmaameen qaar aan lagu noolaan Karin qashinka iyo boodhka  dhex yaalla, sidaa darteed loo baahan yahay in dhalinyaro wax ka bedesha la doorto oo oohinta Hargeysa laga bi’iyo. “Walaalo magaaladda Hargeysi  way ooyeysaa, waxay leedahay Hargeysi mee dadkaygii, maxaa ku dhacay dadkii reer Dubuluq, Sheedaha, Laanta hawadda, Qudhacdheer mee dadkaygii maxaa ku dhacay maxa dulinimada iigu wacan, maxa qashinka boodhka iyo dhagaxa ka jira maxaa la iiga hagaajin waayay ayay leedahay Hargeysi, maxaa ku dhacay camuudaydii wanaagsanayd ee udgoonayd”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo taageerayaasha ku booriyey inay doortaan dad waxtar u leh caasimadda Somaliland.

Waxa iyaguna musharxnimadda Cabdiraxmaan Soltolco taageeray waxgaradka, cuqaasha beesha uu ka soo jeeddo, kuwaas oo sheegay inay hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin, waxaana halkaasi ka hadlay Caaqil Cabdirisaaq Axmed Caqli, Suldaan Ibraahim Sulub Nuur,kuwaas oo dhamaantoodba sheegay inay  ka go’an tahay inay taageeraan.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ee xisbi Kulmiye Khadar Cabdi Baadil. Waxana uu sidoo kale ku booriyay taageerayaasha inay soo saaraan murashax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid. Si kastaba ha ahaatee, munaasibaddan ayaa muujisay baaxaada awoodda teegeero ee Cabdiraxmaan ku leeyahay Hargeysa.