Cabdiraxmaan Saylici oo Loo Doortay Musharaxa Madaxweyne-xigeen ee Kulmiye Iyo Xaglatoosiye oo Tartan adagi Dhex Maray

 

Hargeysa(SLpost):-shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  oo haatan si toos ah uga socda magaalada Hargeysa ayaa mar kale loogu codeeyey musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye.

Waxaana jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye ku tartamay madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo  wasiirka caafimaadka somaliland Saleebaan Xaglatoosiye, waxaana musharaxnimadooda kala xushay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxa ay kala doorashoodu martay marxalad adag oo lagu celceliyay maadaama oo ay labada musharax aad iskugu hayeen jagadda musharaxnimo ee madaxweyne ku xigeen

Ugu horayna waxa loo codeeyey musharax Cabdiraxmaan Saylici kaas oo helay codad dhan 230 cod, halka musharax Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye helay codad dhan 114 cod,  halka ay ka aamuseen 21 xubnood.