Cabdiraxmaan Cirro oo Toban sanno kaddib markii la doortay sheegay inay isaga & Naftiisu Su’aalo iska weydiinayaan sii-fadhiga iyo ka kicista Kursiga

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, ayaa sharraxaad ka bixiyey Su’aalo uu sheegay in Naftiisu weydiisay iyo waxa uu ugaga jawaabay naftiisu qodobbada ay isa su’aashay, isla markaana waxa uu farriin u diray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu ku dooday in Naftiisu weydiisay in Xildhibaan Golaha Wakiillada ah loo doortay 2005-tii muddo shan sano ah illaa maantana uu fadhiyo, waxaanu sheegay inuu ugu jawaabay in sannadkan gudihiisa uu diyaar u yahay inuu doorashada galo, isla markaana aanu u fadhiyin muddo-kordhin dambe in uu ku sii joogo Kursiga uu shantii sano ee la doortay iyo shan kale oo muddo-kordhin ku yimi ku fadhiyey.

cirro“Naftayda waxaan leeyahay waxaa laguu doortay Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada September 2005-tii. Muddo-xileedku wuxuu kaa dhammaaday September 2010-kii. Naftaydu waxay iigu jawaabay inay arrintaas u diyaar tahay oo aanay rabin Muddo- korodhsi dambe. Naftaydu waxay leedahay muddadii laguu kordhiyey ee shanta sano ahayd waxay kaaga egtahay 26-June 2015. Naftaydu waxay I leedahay waxaan diyaar u ahay in doorashadii la qabto 26-ka June 2015, haddii la qaban waayana Golaha halla kala diro.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad ay Isbahaysi-siyaasadeed ku samaysteen labada Xisbi Mucaarad ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland oo lagu qabtay Hageysa.

Cabdiraxmaan-Cirro oo sii watay hadalkiisa, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo farriin u diraya, waxa uu yidhi; “Eray waxaan leeyahay Madaxweynaha, waxaan jecelahay inaan Madaxweynaha u mahad-naqno, mar kasta wuxuu ku celiyaa inuu doorashada diyaar u yahay wakhtigeediina la qabanayo.Waxaan xusuusinayaa Madaxweynaha doorashadii Madaxtooyada iyo tii Wakiilladuba inay tahay 26-ka June 2015, markaa Madaxweyne waxay Shacbigu kaa sugayaan inaad ku dhawaaqdo maalinta doorashada la qabanayo.”

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ka sheekeeyey Sheeko aad u qosol iyo xiiso badatay markii uu jeedinayey oo uu Xukuumadda talada haysa is-bahaysiga ay ku dhawaaqeen-ba ugu duur-xulay, waxaanu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan Sheeko yar oo aan meelin dhawayd meel ka soo bawsaday ka yara horraysiiyo dardaarankayga, waxay ku saabsanayd; Nin arkay Daba-qallooc Biyo ku dhucay, dabadeedna wuxu is-yidhi biyaha ka badbaadi, Qaniinyo kulul buu gacanta kaga dhuftay, dabadeedna wuu qayliyey, haddana wuxu arkay Daba-qalloocii oo sii qarraqmaya wuxu is-yidhi Badbaadi, mar labaad buu biyihii gacanta la galay haddana qaniinyo kulul buu ku dhuftay, isagoo aad u xanuunsanaya ayuu arkay bahalkii oo sii dhimanaya, mar saddexaad buu biyaha gacanta geliyey oo uu is-yidhi badbaadi mar saddexaadkiina waa qaniinay.”

“Dabadeedna nin kale ayaa yidhi; ‘waar Dub-qallooca Abaalkiisu waa Qaniinyo! Ee waxaan kugula talin lahaa ha iska dhintee iska iska daa. Dabadeedna Ninki wuxu yidhi; ‘waxaan ka baqayaa inaan yeesho dhaqanka Daba-qallooca, kolkaa bahalkan waan badbaadinayaa buu yidhi ama ha I qaniino ama ha iska daayee.! Markaa, waxaan leeyahay Axsaabta iyo Madashada yeynaan yeelannin Dhaqankaas Daba-qallooca, laakiin aan yeelanno dhaqankaa badbaadinta ee ninkaasi doortay.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.

Waxaanu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo u sii gondo-degaya ujeeddada iyo nuxurka uu ka lahaa sheekadan uu yidhi; “Xukuumadda Somaliland waxay iyadu yeelatay dhaqanka Bahalkaa aynu sheegayno ee Daba-qallooca ah. Awdal Qaniinayey tirsanaysaa, Sool iyaduna qaniinyey tirsanaysaa, Sanaag qaniinyaa ku maqan, Saaxil baa ugu dambaysay oo taaheedi baxayaa maanta. Waxaanan rumaysnahay in Isbahaysigani u samaysmay inaynu Qaranka badbaadinno, waxaynu doonaynaa inaynu Qaranka badbaadinno oo ay dhaqankeennu noqdo dhaqan badbaado.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu Shacabka reer Somaliland u soo jeediyey oo yidhi; “Waxaan Shacbiga Somaliland u sheegayaa malaha ma ogee inay leeyihiin awoodda ugu badan ee dalka, waxaan u sheegayaa inaynu nabadda wada ilaalinno, waxaanan leeyahay ha isku eegina Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xukuumadda ee ka Qaranka badbaadinaya taageera.”

Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera hirgelinta geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha doorashooyinka ku baxa inta badan, ayuu Cabdiraxmaan-Cirro Baaq u diray, waxaanu yidhi; “Beesha Caalamka waxaan leeyahay innagoo dhammaanteen u mahad-naqayna inay gacan buuxda innala barbar-istaagaan si loo sameeyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.”