Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyey inuu mar kale u tartamayo Jagada Guddoomiyaha Xisbiga Waddanni

cabdiraxmaan cirro

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta shaaciyey inuu yahay murashax mar kale u tartamaya jagada Guddoomiyaha xisbigaas marka uu furmo shirweynaha xisbiga Waddani oo loo muddeeyey dhammaadka bisha October ee sannadkan.

cabdiraxmaan cirroGuddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shirweynihii 3aad ee Golaha Dhexe oo bishii March ee sannadkan ku qabsoomay Hargeysa markii saddexaad loogu doortay murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga, ayaa hore u ballan-qaaday inuu jagada guddoomiyaha Xisbiga ku wareejinayo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiye Cirro ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. GUUL.” Sidaas ayuu guddoomiye Cirro ku sheegay qoraalkiisa.

Shirweynaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo qaban-qaabadiisu ka socoto magaalada Hargeysa, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan furmo, waxaana la saadaalinayaa in shirkaasi uu ka duwanaan doono shirarkii hore maadaama oo Guddoomiye Cirro mar kale u tartamayo jagada guddoomiyaha Xisbiga oo ay quud-daraynayaa siyaasiin miisaan leh oo saamayn xooggan ku leh gudaha Xisbiga, isla markaana cudud taageero ku kordhiyey Xisbiga.

Siyaasiyiinta hore ballan-qaadka loogu sameeyey, hunguriga siyaasadeedna u hayo inay gacanta ku dhigaan jagada guddoomiyaha Xisbiga waxa ka mid ah Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilligan ku maacaabaninuu yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net